Qarax xooggan oo xalay gilgilaymagaalada Kabul ee dalka Afghanistan

0
Monday August 01, 2016 - 10:05:45 in Wararka by
  • Visits: 519
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax xooggan oo xalay gilgilaymagaalada Kabul ee dalka Afghanistan

    Qarax weyn ayaa xalay saqdii dhexe gilgilay magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, gaar ahaan dhismo ay degan yihiin dadka ajaaniibta ee qandaraaslayaasha ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax weyn ayaa xalay saqdii dhexe gilgilay magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, gaar ahaan dhismo ay degan yihiin dadka ajaaniibta ee qandaraaslayaasha ah.

Qaraxan xooggan ayaa dhacay xalay saqdii dhexe abaarihii 1:25 waqtiga Afghanistan, waxaana loo adeegsaday baabuur xamuul laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Madaxa Booliska Kabul Abdel Rahman Rahimi ayaa BBC u sheegay in qaraxan uu ka dhacay waqooyiga iridka laga galo xerada ay degan yihiin ajaaniibta.

Qaraxa kadib ayaa dabley hubeysan ay gudaha u galeen, kuwaasoo labo ahaa, waxaana ku dhintay weerarkaas hal askari, iyadoo la dilay kooxihii weerarka soo qaaday.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka, iyadoo aan wax war ah ka soo bixin dowladda, maadaama waqtiga qaraxa dhacay ay aheyd xilli saq dhexe.

Kooxda Taliban ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka, waxaana goobtan horay loo weeraray saddex sano ka hor




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip