Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed oo ay wehliyeen Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida ayaa goobta gaaray, waxaana uu sheegay in ciidamada ay ka hor-tageen kooxihii doonayay inay gudaha xarunta u soo galaan
Wasiirka ayaa sheegay in illaa 7 ruux ay ahaayeen kooxaha hubeysan ee soo weeraray xarunta CID, kuwaasoo uu xusay in saddex ka mid ah ay toogteen ciidamada, halka afar kalena isku qarxisay labada baabuur sida uu yiri.
"Ciidamada Ilaalada CID ayaa mid mid u toogtay kooxdii weerarka soo qaaday, Hal Askari ayaa ka geeriyooday Booliska, 5 ruux waxa ay ahaayeen dadkii shacabka ahaa ee Wadada marayay, 7 waxa ay ahaayeen kuwii weerarka soo qaaday”ayuu yiri Wasiirka Amniga.
Xarunta CID-da ayaa ku dhow isgoyska KM4 oo ah mid mashquul badan, sidoo kale waxaa ka soo hor-jeeda Hotelka Saxafi, xarunta ayaa waxaa maalin walba taga dad kala duwan oo u aada arrimo dacwo iyo in faraha baasaboorka laga qaado.
Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkan ay ku dishay 12 askari iyo saraakiil, sida lagu qoray baraha Internet-ka ee taageera kooxda
Waa weerarkii labaad oo Al-Shabaab ka geysato magaalada Muqdisho muddo shan maalmood gudahood, iyadoo Talaadadii la soo dhaafay qaraxyo ismiidaamin ay ka dhaceen agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Wararkii ugu dambeeyay weerarkii Xarunta CID-da ee Muqdisho (Sawirro)
Illaa 10 ruux ayaa ku geeriyootay weerar ismiidaamin ah oo maanta lagu qaadayXarunta CID-da ee dambi baarista Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, iyadoo weerarkaas uu ku bilowday qarax laga soo buuxiyay labo gaari oo lagu dhiftay afaafka hore ee xarunta