Ugu yaraan hal wariye, ayaa xabsiga la dhigay, iyadoo la soo saaray amar lagu soo xiraayo 50 ruux oo hore uga tirsanaa shaqaalaha tifaftirka warbaahinta Zaman ee dalkaasi Turkiga.
Dowladda Turkiga, ayaa sidoo kale xirtay xarumo badan oo hay’ado ah iyo iskuulo badan, kuwaasi oo la sheegay inuu lahaa ninka lagu tuhmaayo inuu qorsheeyay Afgambiga fashilmay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa ku tilmaamtay tallaabada noocaasi ah mid keliya ka turjumeyso hab aan qurxoonayn.
Warbaahinta dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, ayaa ku waramay in dowladdu ay ku amartay in la xiro illaa iyo 45 wargeys, saddex wakaalad wareedyo iyo lix iyo toban talefishinno.
Turkiga oo ku dhawaaqay in shaqada laga eryay 2,400 ruux oo Militariga ka tirsan
Dowladda Turkiga, ayaa waxa ay ku dhawaaqday in shaqada laga eryay Ciidamo Militari ah oo gaaraya 2,400 oo askari, kuwaasi oo lagu tuhmay inay ku lug lahaayeen Qorshihii dhicisoobay ee Afgambiga.