Maxay tahay farriinta uu Guterres diray caalamka ee ku saabsan Soomaaliya?

0
Monday November 02, 2026 - 20:00:02 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 78
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay tahay farriinta uu Guterres diray caalamka ee ku saabsan Soomaaliya?

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya xilli dalka uu wajahayo caqabado siyaasadeed, amni, bani’aadannimo iyo horumarineed kadib soo afjaridda hawlgalkii siyaasadeed ee UNTMIS.

Farriin uu ku baahiyay bartiisa X (ex-Twitter) ayuu Guterres ku caddeeyay in dhammaadka hawlgalkaasi uusan ka dhignayn in Qaramada Midoobay ay joojinayso taageerada ay siiso Soomaaliya, balse ay sii mari doonto hay’adaha, sanduuqyada iyo barnaamijyada ay dalka ka waddo.

Wuxuu sheegay in taageerada caalamiga ahi ay lagama maarmaan u tahay in la ilaaliyo horumarka ay Soomaaliya gaartay, lana xoojiyo hay’adaha dowladda, si loo sii ambaqaado dadaallada dowlad-dhiska.

Dhinacyada xuquuqda aadanaha, nabadda iyo xasilloonida ayuu sidoo kale xusay inay u baahan yihiin taageero joogto ah, iyadoo Qaramada Midoobay ay la shaqeyn doonto dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah.

Dhanka kale, Guterres ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya sameysay iyo adkeysiga shacabka Soomaaliyeed, isaga oo mahadcelin gaar ah u jeediyay shaqaalihii ka howlgalay UNTMIS iyo hawlgalladii Qaramada Midoobay ee ka horreeyay.

Antonio Guterres, United Nations Secretary-General, speaking during a High-Level segment of the Conference on Disarmament, 

Human Rights Council 55th Session, Palais des Nations, Geneva, Switzerland - 26 Feb 2024. UN Photo /Pierre Albouy




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip