
Suudaan oo Puntland ku dartay meelaha laga keenayo calooshood-u-shaqeystayaasha ka dagaallamaya dalkaas
Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Suudaan, Jeneraal Yaasir Al-Cadaa, ayaa khudbad uu 1-dii November 2026 u jeediyey ciidamo ku sugan Khartuum ku sheegay in dagaalyahannadaas laga keenay dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin Koonfurta Suudaan, Nayjar, Itoobiya, Kolombiya iyo waqooyiga Soomaaliya.
Al-Cadaa ayaa si gaar ah u xusay waqooyiga Soomaaliya, isaga oo hadalkiisa laga baahiyey warbaahinta rasmiga ah ee ciidamada Suudaan.
Hadalkan ayaa waxaa uu si gaar ah ula xiriiray Puntland, oo uu ku eedeeyey inay qayb ka tahay meelaha laga soo dirayo dagaalyahannada ajaanibta ah.
Eedeymahan ayaa imanaya xilli dagaalka Suudaan uu galay marxalad adag, iyadoo ciidamada dowladda Suudaan ay muddooyinkii dambe si isdaba joog ah u sheegeen in xoogagga RSF ay dagaalka u adeegsanayaan dagaalyahanno ajaanib ah.


0 




Suudaan oo Puntland ku dartay meelaha laga keenayo calooshood-u-shaqeystayaasha ka dagaallamaya dalkaas
.