Mahad Salaad oo laba farriimood gaarsiiyay mucaaradka DF – XOG

0
Sunday November 01, 2026 - 21:55:57 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 72
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mahad Salaad oo laba farriimood gaarsiiyay mucaaradka DF – XOG

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad oo maalmihii ugu dambeeyay kulamo ka waday gudaha magaalada Muqdisho ayaa arrimo xasaasi ah ka hadlay kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mahad Salaad ayaa si gaar gaar ah dhinacyada mucaaradka ugala hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, isaga oo gaarsiiyay farriin uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya oo dhawaan casuumaad u diray Xisbiga Nabad iyo Nolol, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Madasha Midnimo Qaran iyo Dalladda Bulshada Rayidka, si ay uga qaybgalaan gogol wadatashi Qaran oo ka furmi doonta magaalada Muqdisho 14-18 Nofeembar, 2026.

Ugu horreyn Taliyaha NISA ayaa mucaraadka usoo jeediyay in la aqbalo gogosho uu dhigay Madaxweynaha, si wada-hadal looga galo arrinta doorashada oo ay dowladdu qorsheysay inay qabsoonto 15-ka bisha Abriil ee sannadka soo socda ee 2027.

Dhawaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka jawaabay gogosha uu dhigay Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in aan xal buuxa la gaari karin, haddii aan la hein dhex-dhexaadin caalami ah, iyaga oo dalbaday in wada-hadallada cusub ay goobjoog ahaadaan wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay gudaha magaaada Muqdisho, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo kamid ah golaha.

Xidhibaanka ayaa ku eedeeyay Villa Somalia in ay dooneyso inay ku adkeysato mowqifkeeda doorashada, iyaguna ay rabaan in si daah-furan looga wada-hadlo hannaan doorasho oo loo dhanyahay.

 

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip