
IRAN oo hanjabaad culus u dirtay Mareykanka iyo bartilmaameedyo cusub oo…
Iran ayaa soo saartay digniin cusub oo ku aaddan suuragalnimada dagaal kale, iyadoo sheegtay in haddii dagaal dib u qarxo uusan dagaalku ku koobnaan doonin gobolka Galbeedka Aasiya, balse uu gaari karo meelo kale oo caalamka ah.Afhayeenka ciidamada milatariga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Mohammad Akraminia ayaa sheegay in xarumaha, qalabka, ciidamada iyo danaha Mareykanka ay noqon karaan bartilmaameedyo, meel kasta oo ay gaari karaan ciidamada Iran.
Digniintan ayaa timid xilli Tehran ay sheegtay inay xoojisay diyaargarowga howlgallada milatari, isla markaana ay cusboonaysiinayso liiska bartilmaameedyada. Akraminia wuxuu intaas ku daray in dagaal cusub uu noqon karo mid "aad uga dheer” kii hore.
Isagoo faahfaahinayay isbeddelka ku yimid istaraatiijiyadda milatari ee dalkiisa, afhayeenku wuxuu sheegay in Iran ay muddo hore bilowday inay ka gudubto difaac keliya una dhaqaaqdo hannaan weerar ku dhisan.
"Hannaanka lagu beddelayo istaraatiijiyadda difaaca ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, laguna qaadayo mid weerar ku dhisan, wuxuu billowday waqti hore, wuxuuna si dhab ah u muujiyay intii uu socday dagaalkii ugu dambeeyay,” ayuu yiri Akraminia.
Dhinaca kale, bogga rasmiga ah ee Mojtaba Khamenei ayaa shalay shaaciyay in hoggaamiyuhu kulan la yeeshay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee Iran, uuna ku amray inay si "degdeg ah oo aan xuduud juqraafiyeed ku xirnayn” uga jawaabaan khatar kasta oo cadowgu keeno.
Mojtaba Khamenei ayaa sidoo kale laga soo xigtay inuu sheegay in haddii Iran lagu qaado weerar cusub oo milatari ama mid "argagixiso”, Tehran ay iyadu go’aamin doonto waqtiga iyo shuruudaha lagu soo afjarayo colaadda.
Hadaladan ayaa muujinaya adkeynta mowqifka milatari ee Iran, iyadoo hoggaankeeda iyo saraakiisheeda ciidamada ay soo saarayaan digniino ku saabsan jawaab ballaaran haddii dalkaasi mar kale la weeraro.



0 



IRAN oo hanjabaad culus u dirtay Mareykanka iyo bartilmaameedyo cusub oo…
,