
Xukuumadda Somaliland oo joojisay qiimo-kordhinta ay sameeyeen shirkadaha korontada
Xukuumadda Somaliland ayaa joojisay qiimo-kordhin ay sameeyeen qaar ka mid ah shirkadaha korontada dalka, iyadoo shacabka ugu baaqday inaanay bixin lacag ka badan $0.59 halkii unug ee koronto ah.
Guddoomiyaha Komishanka Nidaaminta Tamarta Somaliland, Cabdi Cige Axmed, ayaa sheegay in aanay shirkadaha korontadu xaq u lahayn inay iskood u kordhiyaan qiimaha adeeggooda, isaga oo caddeeyay in qiimaha korontadu aanu ka badnaan karin xaddiga ay hay'addu dejisay.
"Shacabka waxaanu u sheegaynaa inaanay bixin karin qiime ka badan $0.59,” ayuu yidhi Cabdi Cige Axmed.
Shirkadaha ilaa hadda sameeyay qiimo-kordhinta ee uu go'aankani khuseeyo ayaa kala ah Sompower, Indh-birta iyo Telesom Tec. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in shirkadahaasi ay waajib ku tahay inay u hoggaansamaan go'aanka Komishanka, isla markaana aanay samayn karin wax qiimo-kordhin ah oo aanay hay'addu oggolaan.
Go'aankan ayaa imanaya kadib markii shirkadaha korontada qaarkood ay kordhiyeen qiimaha adeeggooda, taas oo keentay in Komishanka Nidaaminta Tamartu soo saaro digniin ka dhan ah tallaabadaas, isaga oo ku adkaystay in shirkaduhu aanay si iskood ah u beddeli karin qiimaha korontada.
Dhinaca kale, war-saxaafadeed ay 7-dii September 2026 uu soo saaray Ururka Shirkadaha Korontada Somaliland, ayaa lagu sheegay in shirkadaha korontadu muddo lix bilood ah la tacaalayeen korodhka kharashaadka shidaalka iyo saadka. Ururku waxa uu sheegay in shirkaduhu doonayaan in qiimaha korontada la waafajiyo kharashaadka hawlgalka iyo xaaladaha dhaqaale ee jira.
Go'aanka Komishanka Nidaaminta Tamarta ayaa dhigay in shirkaduhu ilaaliyaan qiimaha la dejiyay, halka macaamiisha lagu wargeliyay inaanay bixin lacag ka badan $0.59 halkii unug. Arrintan ayaa dib u soo noolaysay doodda ku saabsan qiimaha korontada, kharashaadka shirkadaha iyo awoodda ay qoysaska iyo ganacsiyadu u leeyihiin inay iska bixiyaan adeegga korontada Somaliland.



0 



Xukuumadda Somaliland oo joojisay qiimo-kordhinta ay sameeyeen shirkadaha korontada
.