
Taariikhda Ex. Xildhibaan Saalax Badbaado (ninkii isku qarxiyey garoonka) Iyo Sida Al Shabaab u Bedeleen *Daawo*
Saalax Nuux Ismaaciil oo ku magacdheer (Saalax Bad-baado) islamarkaana ah Aabe 57 jir ah, oo soo maray maraaxil kala duwan oo taariikhi ah, Sida qoraalka Al-Shabaab lagu yiri
Saalax wuxuu ku dhashay degmada lagu magacaabo Gar-Adag oo ka tirsan gobolka Sanaag sanadkii 1960-kii. Wuxuu waxbarashadiisa hoose iyo dhexe ku soo qaatay degmooyinka Shiikh iyo Ceerigaabo, ugu dambeyntiina Dugsiga sare kaga soo baxay magaalada Hargeysa ee Xarunta gobolka Waqooyi-Galbeed.
Saalax bad baado oo ahaa xildhibaan hore waxa uu Al-Shabaab ku biiray 2010-kii.
Wuxuu wax ku bartay oo uu ka qalin jabiyey Machadka culuumta sharciga Argagixisadda Al-Shabaab ee Cabdalla Cazaam, halkaas oo uu ku xareysnaa muddo hal sano ah, Wuxuuna sidoo kale la soo shaqeeyey Makaatib kala duwan oo uu ka mid yahay Maktabka Dacwada, Maktabka Tacliinta, Maktabka Ashbaalka, iyo Maktabka Istish-haadiyiinta oo uu hadda ka tirsanaa.
Idaacada Al-Shabaab ee Andalus ayaa Wareeysi gaar ah la yeelatay Saalax Bad-baado ka hor inta uusan u dhaqaaqin hadafkiisa, Wuxuuna dirayaa fariimo dhowr ah oo ku wajahan dadka Soomaaliyeed.
Taariikhda Ex. Xildhibaan Saalax Badbaado (ninkii isku qarxiyey garoonka) Iyo Sida Al Shabaab u Bedeleen *Daawo*
Kooxda Alshabaab ayaa shaacisay taariikhda xildhibaankii hore ee is-miidaamiyaha noqday, iskuna qarxiyay magaalada Muqdisho shalay, waxaana taariikhdaasi ka muuqda sida Alshabaab u bedeleen Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado).