Madaxweyne Xasan oo u Hambalyeeyay Hogaanka loo doortay Maamulka Hirshabelle

0
Saturday October 24, 2026 - 18:01:03 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan oo u Hambalyeeyay Hogaanka loo doortay Maamulka Hirshabelle

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Muqdisho, Oktoobar 24, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha dib loo doortay ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka, Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax, kuwaasi oo maanta lagu doortay magaalada Jowhar.

Madaxweynaha ayaa hoggaanka cusub u rajeeyay guul iyo in ay si hufan uga soo dhalaalaan mas’uuliyadda loo igmaday, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, dib-u-heshiisiinta, dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada bulshada ee deegaannada Hirshabeelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale bogaadiyey hannaanka doorasho ee lagu soo doortay hoggaanka cusub, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta dimuqraadiyeynta, dhismaha hay’adaha dowladnimada iyo ka-qaybgalka shacabka ee geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

May be a graphic of one or more people, dais and text




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip