Maxay HirShabelle ka tiri odayaashii heshiiska lasoo galay Al-Shabaab?

0
Wednesday October 07, 2026 - 13:47:49 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 49
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay HirShabelle ka tiri odayaashii heshiiska lasoo galay Al-Shabaab?

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee HirShabelle, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore) ayaa si kulul uga hadlay heshiiska la sheegay in odayaal ka tirsan Beesha Xawaadle ay la galeen Al-Shabaab.

 
 
 
 
 
 
 

Muuqaallo ay dhawaan baahisay kooxda ayaa waxaa kasoo muuqday odayaal sheegay inay heshiis nabadeed la gaareen Khawaarijta, kadib kulamo toos ah oo ay yeesheen labada dhinac.

Wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle, Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore) oo maanta la hadlay Shabelle Tv ayaa shaaca ka qaaday in odayaashaas aysan metalin reer Hiiraan, isla markaana aysan ahayn odayaashii dhaqanka ee la yaqiinay, sida uu hadalka u dhigay.

 

"Odayaal Shabaabka la shaqeyn jiray oo la yaqaano kuna qanacsan inay la shaqeeyaan ayaa baraha bulshada kasoo muuqday borobagaando iyo wax aan munaasab ahayna waxaa asoo geliyay baraha bulshada,” ayuu yiri wasiirka arrimaha maamul goboleedka HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu kusii daray "Wakiil ma ahayn odayaashaas mana aha odayaasha dhaqanka ee la yaqaano ee gobolka Hiiraan, waxayse muujiyeen jacayl ay u qabaan Al-Shabaab”.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan ay beegsan doonaan odayaasha u tegay Al-Shabaab, ayna ka qaadi doonaan tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

 

"Tallaabo waxaa ka qaadeysaa dowladnimada sababtoo ah waxay odayaasha borobagaando u sameeyeen Al-Shabaab, waxaya been abuur ku sameeyeen qabiilka,” ayuu markale yiri wasiirku.

Si kastaba, falcelin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay heshiiska Al-Shabaab iyo odayaasha, iyadoo maalmihii dambe ay hadal-heysay warbaahinta, laguna falanqeynayay baraha bulshada, maadaama ay horay dagaallo qaraar ay u dhex-mareen Al-Shabaab iyo Beesha Xawaadle.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip