SONSA oo cambaareyneysa dilka wiil 6 jir ah oo Muqdisho lagu dilay, kuna baaqday baaritaan madax-bannaan

0
Wednesday October 07, 2026 - 13:26:28 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 64
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SONSA oo cambaareyneysa dilka wiil 6 jir ah oo Muqdisho lagu dilay, kuna baaqday baaritaan madax-bannaan

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Dalladda Bulshada Rayidka ee Soomaaliya (SONSA) ayaa si adag u cambaareysay dilka Ismaaciil Cali Abukar, oo ahaa wiil lix jir ah, kaas oo 4-tii Oktoobar 2026 lagu dilay isagoo ku sugnaa guriga waalidkiis ee magaalada Muqdisho.

 

Sida lagu sheegay bayaan ay SONSA soo saartay, dilka Ismaaciil waxaa lagu eedeeyay ciidanka booliska, kuwaas oo rasaas ku furay dad ka soo horjeeday qorshaha dowladda ee dhulka la sheegay in laga rarayo. Wararka la soo gudbiyay ayaa sidoo kale sheegay in dhacdada ay uu ku dhintay qof kale, iyadoo dhowr qofna ay dhaawacmeen.

SONSA waxay sheegtay inay aad uga walaacsan tahay xaaladda, iyadoo xustay muhiimadda ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo barakicinta qasabka ah ee dadka laga saarayo dhulka ay deggan yihiin.

"Ma aha markii ugu horreysay ee dad rayid ah ay ku naf waayaan hawlgallo la xiriira qorshahan, iyadoo deegaano qaar lagu burburiyey guryihii ay dadku ku noolaayeen,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dalladdu waxay ugu baaqday baaritaan madax-bannaan, hufan oo dhab ah oo lagu sameeyo dhacdada iyo xadgudubyada kale ee la xiriira dadka rayidka ah, iyadoo sheegtay in cid kasta oo lagu helo inay mas’uul ka tahay ay tahay in lala xisaabtamo.

 

SONSA waxay sidoo kale dowladda ugu baaqday inay dib u eegto qorshaha dhulka iyo habka loo fulinayo, iyadoo ku adkaysatay in fulintu ay ka dhalatay dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Dalladdu waxay sheegtay in la xaqiijiyo ilaalinta xuquuqda dadka ay saameynayaan tallaabooyinkaasi, iyadoo si gaar ah loogu baahan yahay in la dhowro carruurta, haweenka iyo dadka kale ee nugul.

Ugu dambeyn, SONSA waxay ugu baaqday waxgaradka, culimada, odayaasha dhaqanka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada inay si wadajir ah uga hortagaan xadgudubyada, isla markaana ay door ka qaataan ilaalinta nabadda iyo xuquuqda dadka rayidka ah.

SONSA waxay bayaanka ku sheegtay in isla-xisaabtanka iyo dhowrista xuquuqda aadanaha ay muhiim u yihiin xal u helidda khilaafaadka iyo ilaalinta bulshada.

SONSA oo cambaareyneysa dilka wiil 6 jir ah oo Muqdisho lagu dilay, kuna baaqday baaritaan madax-bannaan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip