Guddiga Dastuurka oo shaaciyay waqtiga uu dhaqan-galayo kala-saaridda xilalka xildhibaannada iyo wasiirrada

0
Wednesday October 07, 2026 - 14:29:31 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 50
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Dastuurka oo shaaciyay waqtiga uu dhaqan-galayo kala-saaridda xilalka xildhibaannada iyo wasiirrada

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD) ayaa soo saaray warsaxaafadeed ku saabsan hirgelinta qodobo ka mid ah Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kala-saaridda xilalka xildhibaannimada iyo xubinnimada Golaha Wasiirrada.

Guddigu wuxuu sheegay in muddada lixda bilood ah ee dastuurku u xaddiday in tallaabooyinka maamul lagu waafajiyo Dastuurka la ansixiyay ay ku eg tahay 14-ka Oktoobar 2026. Muddadan ayaa bilaabatay 14-kii Abriil 2026, oo ahayd maalintii uu Dastuurku dhaqan galay.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, laga bilaabo 14-ka Oktoobar 2026 waxaa dhaqan-galaya qodobbada 81(1)(f) iyo 117(3)(a) ee Dastuurka, kuwaas oo xeerinaya kala-saaridda xilalka xildhibaannada iyo wasiirrada.

Guddigu wuxuu caddeeyay in wasiirkii ah xildhibaan uu luminayo xubinnimada Golaha Wasiirrada, halka xildhibaankuna uu luminayo xildhibaannimadiisa haddii uu aqbalo xil kale oo dowladeed.

Guddiga ayaa sidoo kale ku adkeeyay in hirgelinta qodobadan ay tahay waajib dastuuri ah, isagoo xusay in Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu yahay xeerka ugu sarreeya dalka, marka laga reebo Shareecada Islaamka, ayna waajib ku tahay hay’adaha dowladda inay u hoggaansamaan kuna dhaqmaan.

Guddiga Dastuurka oo shaaciyay waqtiga uu dhaqan-galayo kala-saaridda xilalka xildhibaannada iyo wasiirrada

Warsaxaafadeedkaan uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Avv. Burhaan Aadan Cumar ayaa mar kale adkeeyay in dhaqan-gelinta qodobbada dastuuriga ah ay tahay waajib saaran hay’adaha dowladda.

Guddiga Dastuurka oo shaaciyay waqtiga uu dhaqan-galayo kala-saaridda xilalka xildhibaannada iyo wasiirrada





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip