
Axmed Shide oo noqday Soomaali-kii ugu horreeyay ee Guddoomiye ka noqda Golaha Wakiillada Itoobiya
Golaha Wakiillada Shacabka Itoobiya ayaa maanta Axmed Shide u doortay Guddoomiyaha Golaha, isagoo noqday Soomaali-kii ugu horreeyay ee qabta xilka hoggaanka aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Itoobiya.
Doorashada Axmed Shide ayaa ka dhacday kalfadhigii ugu horreeyay ee Baarlamaanka 7-aad ee Itoobiya, xilli dalka uu galay marxalad siyaasadeed oo cusub kadib doorashadii guud ee 1-dii Juun 2026. Golaha ayaa sidoo kale maanta mar kale Ra’iisul Wasaare u magacaabay Abiy Axmed.
Axmed Shide oo kasoo jeeda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa muddo dheer kasoo shaqeeyay dowladda federaalka, isagoo xilal sare kasoo qabtay dowladda, waxaana ugu dambeeyay xilka Wasiirka Maaliyadda. Doorashadiisa ayaa ka dhigan in siyaasiga Soomaaliga ah uu hadda hoggaamin doono aqalka awoodda u leh sharci-dejinta federaalka iyo kormeerka hay’adaha dowladda.
Si kastaba ha ahaatee, Axmed Shide ma aha Soomaali-kii ugu horreeyay ee hoggaamiya mid ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Itoobiya. Sannadkii 2020, Aadan Faarax Ibraahim ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Federaalka, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka Itoobiya.
Farqiga ayaa ah in Axmed Shide uu noqday Soomaali-kii ugu horreeyay ee Guddoomiye ka noqda Golaha Wakiillada Shacabka, oo ah aqalka hoose iyo hay’adda ugu weyn ee sharci-dejinta federaalka Itoobiya.
Doorashadiisa ayaa ku soo beegmaysa xilli Itoobiya ay wajahayo caqabado siyaasadeed iyo amni, iyadoo xiisado iyo dagaallo cusub laga soo sheegay qaybo ka mid ah waqooyiga dalka, gaar ahaan Tigray iyo deegaanada ku dhow.
Axmed Shide ayaa sidaas ugu biiray hoggaanka sare ee hay’adaha federaalka Itoobiya, iyadoo xilka cusub uu siinayo inuu guddoomiyo baarlamaanka ka kooban wakiillo ka kala socda qowmiyadaha iyo deegaanada kala duwan ee dalka.


0 


Axmed Shide oo noqday Soomaali-kii ugu horreeyay ee Guddoomiye ka noqda Golaha Wakiillada Itoobiya
.