Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirada ee KGS?.

0
Saturday October 03, 2026 - 11:26:28 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 65
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirada ee KGS?.

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee amniga deegaannada Koonfur Galbeed, xoojinta nabadgelyada iyo dardargelinta geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta bulshada.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo Golaha Wasiirradu ay qiimeeyeen dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada.

 

Sidoo kale, Golaha Wasiirradu waxay si qoto dheer uga hadleen gogosha iyo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la helo wada-hadal loo dhan yahay, is-afgarad siyaasadeed iyo mid bulsho, iyo in khilaafaadka lagu xalliyo hannaan nabadeed oo ku dhisan wada-tashi iyo is-qancin.

 

Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa adkeeyey in nabadgelyada, midnimada bulshada iyo dib-u-heshiisiintu yihiin tiirarka aasaaska u ah horumarka


iyo xasilloonida Koonfur Galbeed, iyadoo dowladdu ay sii wadi doonto dadaallada lagu mideynayo bulshada iyo xoojinta dowladnimada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip