
Maxaa ka jira in diyaaraddii shalay ee Garoowe loo baajiyay go'aanka DF Soomaaliya?
Shirkadda diyaaradaha ee Freedom Airline ayaa beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo la xiriiray duulimaad la sheegay inuu shalay ka baaqday Garoowe-Muqdisho, sababo la xiriira shuruudda kaarka aqoonsiga NIRA.
Maareeyaha shirkadda ee Soomaaliya, Mukhtar Xaamud ayaa sheegay in Freedom Airline aysan shalay lahayn wax duulimaad ah oo ku saabsan khadka Garoowe-Muqdisho-Nairobi.
Maamulka ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in duulimaad ay shirkaddu ka sameyn lahayd Garoowe iyo Muqdisho loo baajiyay sababo la xiriira kaarka aqoonsiga NIRA.
Freedom Airline waxay sidoo kale caddeysay in jadwalka duulimaadyada shirkadda la joojiyay ka hor 20-kii September, xilligaas oo ay diyaaradaha shirkaddu maalmaha Isniinta iyo Khamiista ugu kala gooshi jireen Muqdisho iyo Garoowe.
Shirkaddu waxay sheegtay in joojinta jadwalka duulimaadyada labada magaalo ay dhacday ka hor waqtigii ay baraha bulshada kasoo baxeen wararka la xiriiriyay NIRA iyo baaqashada duulimaad la sheegay inuu shalay dhici lahaa.
Maamulka Freedom Airline ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka iyo warbaahinta inay shirkadda si toos ah uga hubiyaan xogta la xiriirta duulimaadyadeeda ka hor inta aan la baahin, si looga fogaado faafinta warar aan sax ahayn.
"Xog aan la hubin oo laga faafiyo jadwalkeenna waxay saameyn ku yeelan kartaa sumcadda Freedom Airline, sidaas darteed waxaa muhiim ah in xogta laga xaqiijiyo dhinaca rasmiga ah,” ayuu yiri maamulka shirkadda diyaaradaha.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegayay in duulimaad ay Freedom Airline shalay sameyn lahayd uu u baaqday go’aanka dowladda ee la xiriira hirgelinta kaarka aqoonsiga NIRA, arrintaas oo ay shirkaddu hadda beenisay.


0 



Maxaa ka jira in diyaaraddii shalay ee Garoowe loo baajiyay go'aanka DF Soomaaliya?
.