
Xogta kulan caawa dhex-maraya Aadan Madoobe iyo ergo dhex-dhexaadin ah
Kulan gaar ah ayaa la filayaa inuu caawa magaalada Baydhabo ku dhexmaro hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo ergo dhex-dhexaadin ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan
Wafdiga Maxamed Mursal ayaa maanta gaaray Baydhabo, waxaana ku jira lix xubnood oo dhammaantood ah xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Wafdigan ayaa qayb ka noqonaya dadaallada lagu doonayo in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed.
Intii ay joogeen magaalada, ergadu waxay kulan hordhac ah la yeesheen Aadan Madoobe iyo guddi uu dhawaan magacaabay oo isugu jira dhaqan iyo siyaasiyiin. Guddigaas waxaa guddoomiye u ah Suldaan Warsame Ibroow, waxaana dhinacyadu ka wada-hadleen xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan gobolka.
Ergada dhex-dhexaadinta wada ayaa sidoo kale hore magaalada Nairobi kula kulantay Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, kaas oo wada-hadallada miro-dhalka ah shardi uga dhigay in Aadan Madoobe uu xilka ka dego.
Kulanka caawa ayaa imanaya xilli labada dhinac ay weli ku kala aragti duwan yihiin cidda maamuleysa Koonfur Galbeed, iyadoo khilaafka siyaasadeed uu saameyn ku yeeshay xaaladda magaalada Baydhabo iyo guud ahaan maamulka.
Inkastoo dadaallada dhex-dhexaadintu ay hadda bilow yihiin, haddana waxaa muuqata in dhinacyadu ay ku kala fog yihiin qodobbada ugu waaweyn ee khilaafka, taas oo ka dhigaysa inaan si degdeg ah loo filan natiijo kama dambeys ah.
Qaar kamid ah siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ayaa qaba in mudnaanta koowaad ee wada-hadallada ay tahay in la gaaro xabbad-joojin degdeg ah oo dhex marta labada dhinac ee isku haya hoggaanka maamulka.
Wada-hadalladan ayaa imanaya xilli maalmihii dambe ay Baydhabo ka dhaceen dagaallo qaraar, iyadoo haatan mudnaanta la siinayo sidii loo dejin lahaa xaaladda amni ee magaalada iyo isfaham isku soo dhawaansho ah oo dhinacyadu ay gaaraan.


0 



Xogta kulan caawa dhex-maraya Aadan Madoobe iyo ergo dhex-dhexaadin ah
.