Madaxweynaha Somalia oo maanta waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo kala wareegay Danjiraha cusub ee Turkiga

0
Thursday October 01, 2026 - 12:09:11 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 50
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somalia oo maanta waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo kala wareegay Danjiraha cusub ee Turkiga

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee Jamhuuriyadda Türkiye Mudane Ferhat Alkan iyo Midowga Yurub mudane László Máthé, kuwaasi oo si rasmi ah u bilaabaya waajibaadkooda diblomaasiyadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha la wadaagay horumarka iyo guulaha Soomaaliya ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dimuqraadiyeynta, dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo xiriirka labada dhinac, si loo gaaro himilooyinka wadajirka ah.

Dhankooda, Danjireyaasha aya Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan iyo farriimo ay ka sideen madaxdooda, iyaga oo bogaadiyay horumarka iyo guulaha Soomaaliya ay ka gaartay dowlad-dhiska, amniga iyo horumarinta dalka.

DHAMMAAD

         Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
                 Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip