
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaahira uga qaybgalaya shir afar geesood ah oo ay yeelanayaan Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Eritrea
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcaha soo socda u safri doona magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo uu kaga qaybgalayo shir afar geesood ah oo ay isugu imanayaan madaxda Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Eritrea.
Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas ka socdaan dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed iyo isbeddello siyaasadeed oo saameynaya xiriirka dalalka gobolka.
Booqashada madaxweyne Xasan Sheekh ee Masar ayaa qayb ka ah dhaq-dhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo uu maalmihii u dambeeyay ka waday gobolka, Madaxweynaha ayaa hal maalin booqasho shaqo ah ku tagay magaalada Addis Ababa ee Itoobiya, halkaas oo uu Talaadadii kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Inta uu ku guda jiro safarkiisa gobolka, Xasan Sheekh ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu booqdo Jabuuti, halkaas oo uu wadatashi kula yeelan doono madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ka hor inta uusan u safrin Qaahira.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale horey u helay khad telefoon oo ay si wadajir ah ula soo xiriireen madaxweyne Geelle iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, xilli ay ka qaybgalayeen munaasabad lagu daahfurayay mashruuc shidaal oo ay leedahay shirkadda Dangote.
Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin ajandaha shirka, haddana kulanka ayaa ku soo aadaya xilli ay jiraan khilaafaad iyo loollan diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Itoobiya iyo dalal ay ka mid yihiin Masar, Eritrea iyo Suudaan.
Soomaaliya ayaa isku dayaysa inay xiriirro kala duwan la yeelato dhinacyada gobolka, iyadoo xukuumadda Muqdisho ay doonayso taageero ku aaddan arrimaheeda amniga iyo siyaasadda gudaha.
Shirkan ayaa imanaya iyadoo Soomaaliya ay wajahdo isbeddello siyaasadeed iyo amni oo gudaha ah, halka Geeska Afrika iyo Badda Cas ay weli yihiin goobo ay ku loollamayaan dano kala duwan oo heer gobol iyo heer caalami ah.



0 


Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaahira uga qaybgalaya shir afar geesood ah oo ay yeelanayaan Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Eritrea
.