
Dowladda Soomaaliya oo QM u sheegtay in dakhliga kastamku hoos u dhacay 40%
Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay u sheegtay in dakhliga gudaha ee ka soo xarooda canshuuraha kastamka uu hoos u dhacay ku dhowaad 40%, kaddib markii carqaladaha marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz ay saameeyeen ganacsiga iyo qiimaha badeecadaha dalka.
"Carqaladdu waxay sidoo kale sababtay hoos u dhac ku dhow 40% oo ku yimid dakhligeenna gudaha ee ku saleysan canshuuraha kastamka,” ayaa lagu sheegay hadalka Soomaaliya ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Dowladdu ma aysan caddeyn muddada uu khuseeyo hoos u dhaca 40-ka boqolkiiba ah, mana aysan soo bandhigin tirooyin faahfaahsan oo muujinaya dakhliga kastamka ka hor iyo kaddib hoos u dhaca.
Soomaaliya waxay sidoo kale Qaramada Midoobay u sheegtay in carqaladaha ka jira marinka Hormuz ay sare u qaadeen qiimaha cuntada iyo shidaalka, isla markaana ay kordhiyeen sicir-bararka, kharashaadka gaadiidka iyo lacagaha caymiska ee badeecadaha dalka loo soo raro.
Xog hore oo ay dowladda Soomaaliya soo bandhigtay ayaa muujisay in mugga badeecadaha dalka soo galaya uu hoos u dhacay ku dhowaad 40% intii ay socdeen carqaladaha.
Warbixin ay Hay’adda Qaranka ee Istaatistikada Soomaaliya u gudbisay Golaha Wasiirrada bishii May ayaa sidoo kale lagu sheegay in qiimaha cuntadu uu kordhay 10%, halka kharashaadka daryeelka caafimaadku ay sare u kaceen 14%, iyadoo badeecooyin kale ay diiwaangeliyeen koror intaas ka badan.
Hoos u dhaca badeecadaha dalka soo galaya ayaa saameyn ku yeeshay dakhliga kastamka, maadaama canshuuraha laga qaado badeecadaha la soo dejiyo ay qayb muhiim ah ka yihiin dakhliga gudaha ee dowladda.
.


0 



Dowladda Soomaaliya oo QM u sheegtay in dakhliga kastamku hoos u dhacay 40%
.