
Isbaheysiga Haybad Qaran iyo Xaqsoor oo xilkii ka qaaday Cumar Cabdirisaaq
Guddoomiyaha Isbaheysiga Xaqsoor iyo Haybad Qaran, Danjire Cabdiraxmaan Caynte ayaa Cumar Cabdirisaaq Xuseen ka qaaday xilka Xoghayaha Guud ee Isbaheysiga
Cumar Cabdirisaaq ayaa sidoo kale laga qaaday xubinnimadii Golaha Sare ee Siyaasadda ee Isbaheysiga, sida lagu sheegay go’aanka kasoo baxay hoggaanka isbaheysiga.
Go’aankan ayaa yimid kaddib markii Guddiga Anshaxa ee Isbaheysiga uu sheegay in Cumar Cabdirisaaq lagu helay inuu ku xadgudbay xeerarka iyo anshaxa u degsan Golaha Sare ee Siyaasadda ee Isbaheysiga.
Isbaheysiga ayaan si faahfaahsan u shaacin xeerarka iyo qodobbada anshax ee uu ku xadgudbay Cumar Cabdirisaaq Xuseen, kuwaas oo sababay in tallaabada laga qaado.
Go’aanka xil-ka-qaadista ayaa sidoo kale meesha ka saaray doorkii uu Cumar Cabdirisaaq ku lahaa Golaha Sare ee Siyaasadda, kadib markii laga qaaday xubinnimadii uu ku lahaa golahaasi.
Isbahaysiga Xisbiyada Haybad Qaran iyo Xaqsoor ayaa 23-ka Abriil 2026 ku dhawaaqay inay isku biireen, isla markaana ay sameysteen isbahaysi siyaasadeed.
Isbaheysiga Xaqsoor iyo Haybad Qaran ayaa markaas sheegay in loo aasaasay xoojinta caddaaladda dalka iyo dib u soo celinta haybadda iyo sharafta qaranka, iyadoo labada dhinac ay mideeyeen awooddooda siyaasadeed.


0 




Isbaheysiga Haybad Qaran iyo Xaqsoor oo xilkii ka qaaday Cumar Cabdirisaaq
.