Shir lagu ansixiyay qorshaha qaran ee El Niño oo ka dhacay Muqdisho

0
Wednesday September 23, 2026 - 11:23:25 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir lagu ansixiyay qorshaha qaran ee El Niño oo ka dhacay Muqdisho

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo diiradda lagu saaray u-diyaargarowga El Niño 2026–2027 iyo xoojinta isku-duwid ay Dowladda u dhantahay.

Kulanka waxaa lagu soo bandhigay Qorshaha Qaran ee U-diyaargarowga El Niño 2026–2027, oo ah qorshe mideynaya dadaallada iyo masuuliyadaha hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada iyo dowladaha hoose, si loo xaqiijiyo diyaar-garow isku-duwan oo ay asaas u tahay saadaasha iyo digniinta.

Qorshaha Qaran ee U-diyaargarowga El Niño ayaa maanta la ansixiyay, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan hay’adaha ay si wadajir ah uga shaqeeyaan diyaar-garowga, tallaabooyinka horudhaca ah, ka jawaabida iyo soo-kabashada.

Qorshahan ayaa xoojinaya Isku-duwid ay dowladda u dhantahay, nidaamyada digniinta hore iyo la socodka khataraha, iyo Ilaalinta dadka, xoolaha, beeraha, biyaha iyo kaabeyaasha muhiimka ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku adkeeyay dhammaan hawl-wadeennada in awaamiirtan si hufan oo degdeg ah loo fuliyo, si loo xaqiijiyo isku-duwidda shaqada, isla-xisaabtanka iyo dardargelinta natiijooyinka la filayo.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip