
Caqabadaha dhismayaasha Muqdisho oo kordhinaya khatarta fatahaadaha
Dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay in dhismayaal laga sameeyay marinadii dabiiciga ahaa ee biyaha roobka ee Muqdisho ay xannibayaan qulqulka biyaha, taasoo sare u qaadi karta khatarta fatahaadaha xilli la filayo roobab culus oo la xiriira El Niño.
Digniintan ayaa ka soo baxday kulan ka dhacay xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), kaas oo looga hadlayay saameynta roobabkii dhawaan ka da’ay Muqdisho iyo diyaar-garowga roobabka la filayo.
Kulanka waxaa guddoomiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali Hoosh, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, maamulka gobolka Banaadir, culimo, bulshada rayidka ah iyo ganacsatada.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Bashiir Maxamed Jaamac, (Bashiir Goobbe) ayaa sheegay in dhagxaan iyo caqabado kale oo laga dhisay agagaarka waddada isku xirta garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo safaaradda Turkiga ay xannibayaan marinkii dabiiciga ahaa ee biyuhu mari jireen.
Wuxuu sheegay in fatahaad hore oo ka dhacday deegaankaas ay ku dhinteen laba qof, isagoo ka digay in haddii marin-biyoodka la sii xannibo ay xaaladdu saameyn karto ku dhowaad 40 qoys oo halkaas ku nool, isla markaana ay kordhin karto khatarta fatahaadaha iyo korontada.
Bashiir Goobbe ayaa ku baaqay in dhagxaanta iyo caqabadaha kale laga qaado marinada biyaha ama dib loo habeeyo, si biyuhu si ammaan ah ugu gudbaan iyada oo aan waxyeello loo geysan dhismayaasha ku dhow.
Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca amniga iyo siyaasadda, Maxamed Axmed Diriye Yabooh, ayaa sheegay in dowladda hoose ay waddo gurista biyaha fariistay waddooyin muhiim ah oo Muqdisho ku yaalla.
Hase yeeshee, wuxuu sheegay in tallaabooyinka hadda la qaadayo ay yihiin kuwo ku-meel-gaar ah, isaga oo xusay in isbitaallo, jaamacado, hay’ado dowladeed, xarumo gaar loo leeyahay iyo shaqsiyaad ay dhiseen caqabado gooyay marinadii ay biyuhu hore ugu qulquli jireen.
"Haddii biyaha loo oggolaan lahaa inay maraan jidkoodii hore, meelahaas kuma urureen,” ayuu yiri Yabooh.
Guddoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cismaan, ayaa ku baaqay in la sameeyo qorsheyn iyo dhaqaale gaar ah oo loogu diyaar-garoobo roobabka la filayo, isagoo sidoo kale soo jeediyay in SoDMA ay noqoto hay’adda ugu weyn ee bixisa digniinaha cimilada iyo xogta musiibooyinka.



0 


Caqabadaha dhismayaasha Muqdisho oo kordhinaya khatarta fatahaadaha
.