Daladda Bulshada Rayidka oo ka digtay barakicinta qoysaska iyo muranka dhulalka Muqdisho
Daladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed (SONSA) ayaa si adag uga hor timid barakicinta iyo dhul-ka-saarista qasabka ah ee qoysaska ku nool Muqdisho, iyadoo ku baaqday in maamulka dhulalka magaalada lagu saleeyo hannaan sharci ah iyo wadatashi lala yeesho dadka ay arrintu saameyneyso.
SONSA ayaa bayaan ay soo saartay 17-kii Sebtembar ku sheegtay in ay walaac ka qabto qorshayaasha lagu nidaaminayo dhulalka Muqdisho, iyadoo sheegtay in xaalado ay tilmaantay aysan jirin amar maxkamadeed, ogeysiis ku filan ama wadatashi dhab ah oo lala sameeyay dadka deegaanka.
Daladdu waxay sidoo kale sheegtay in dadka guryahooda laga saarayo aan loo sameynin, sida ay sheegtay, magdhow caddaalad ah ama hoy kale oo ay ugu beddeshaan guryaha la burburinayo.
SONSA waxay sheegtay in horumarinta magaalada, dhismaha waddooyinka iyo ilaalinta hantida dadweynuhu ay muhiim yihiin, balse ay ku dooday in burburinta guryaha iyo hantida muwaadiniinta iyadoo aan la raacin hannaan sharci ah aysan noqon karin horumar waara.
Bayaanka ayaa lagu sheegay dhowr arrimood oo ay bulshada rayidku walaac ka qabto, kuwaas oo ay ka mid yihiin in aan la hayn daraasad dhammeystiran iyo qorshe cad oo ku saabsan nidaaminta dhulka iyo barakicinta ka dhalan karta.
SONSA waxay sidoo kale su’aal ka keentay jiritaanka shirkado gaar loo leeyahay oo ka shaqeeya ganacsiga dhulka, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay dhalisay su’aalo la xiriira hufnaanta iyo ujeeddooyinka qorshaha.
Daladdu waxay sidoo kale sheegtay in uusan jirin, sida ay ku dooday, nidaam cad oo lagu kala saarayo dhulalka sharciyeysan iyo kuwa aan sharciyeysneyn, isla markaana dadka sheeganaya lahaanshaha dhulalka lagu qasbayo inay la macaamilaan dad ama shirkado gaar loo leeyahay.
SONSA ayaa sheegtay inay bilaabayso diiwaangelinta dadka ay sheegtay inay saameeyeen tallaabooyinka la xiriira dhulka, si loo ururiyo xog ku saabsan dadka iyo hantidooda ay arrintu saameysay.
Ugu dambeyn, daladdu waxay ugu baaqday waxgaradka Soomaaliyeed, odayaasha dhaqanka iyo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha inay si wadajir ah uga shaqeeyaan wax ka qabashada murannada dhulka iyo tallaabo kasta oo, sida ay sheegtay, aan waafaqsanayn sharciga.

0 

.