
Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Muqdisho kula kulmay Taliyaha Difaaca Cirka Pakistan
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Muqdisho kula kulmay wafdi sare oo ka socday Pakistan oo uu hoggaaminayay Taliyaha Difaaca Cirka Pakistan, ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka dalkaas, Air Marshal Muhammad Sarfraz.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan ee dhinaca difaaca, iyadoo si gaar ah looga hadlay dhismaha iyo horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, kordhinta awooddiisa iyo tababarka ciidanka.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay muhiimad siinayso dhismaha, tababarka iyo qalabaynta ciidamada, iyadoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha amniga iyo difaaca dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay wafdiga Pakistan booqashadooda Muqdisho, isaga oo tilmaamay inay muhiim u tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinaca difaaca.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoogga saareysay dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa taageera ay wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.
Kulanka Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay raadineyso in la xoojiyo awoodda hay’adaha amniga iyo difaaca, oo ay ku jirto horumarinta awoodda ciidanka cirka.


0 




Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Muqdisho kula kulmay Taliyaha Difaaca Cirka Pakistan
.