
DFS oo si adag u cambaareysay weerar diyaaradeed oo lagu bartilmaameedsaday Makkah
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay isku day weerar oo loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn, taas oo lagu bartilmaameedsaday magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarramah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidamada Difaaca Cirka ee Sacuudiga ay qabteen isla markaana burburiyeen diyaaradda aan duuliyaha lahayn, ka hor inta aysan gaarin magaalada Makkah.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale cambaareysay weerarradii dhawaan lagu qaaday goobaha ay dadka rayidka ah deggan yihiin ee gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Soomaaliya ayaa sheegtay inay garab istaag buuxa la taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo shacabka dalkaasi, iyadoo xustay xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale caddeysay in Sacuudigu xaq u leeyahay inuu difaaco dhulkiisa, dadkiisa iyo goobaha barakeysan ee Islaamka.
Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn muujisay sida ay uga go’an tahay taageerada dadaallada lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo goobaha barakeysan ee Islaamka.


0 




DFS oo si adag u cambaareysay weerar diyaaradeed oo lagu bartilmaameedsaday Makkah
.