Ruushka oo ku dhawaaqay inuu soo riday in ka badan saddex boqol oo diyaaradood

0
Monday September 14, 2026 - 08:41:43 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 27
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka oo ku dhawaaqay inuu soo riday in ka badan saddex boqol oo diyaaradood

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in ciidamada difaaca cirka ay intii u dhaxaysay xalay 8-dii fiidnimo ilaa 8-dii subaxnimo ee saaka ay soo rideen ama burburiyeen 399 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo Ukraine laga leeyahay.

Ruushku wuxuu sheegay in diyaaradahaas lagu qabtay 10 gobol oo Ruushka ah, Crimea iyo Badda Madow.



Guddoomiyaha gobolka Rostov ayaa hore u sheegay in ku dhowaad 50 diyaaradood lagu soo riday gobolka, iyadoo burbur yar uu ka dhacay Rostov iyo deegaanno kale.

Dhanka kale, Ciidamada Cirka Ukraine ayaa sheegay inay burburiyeen 85 ka mid ah 108 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo Ruushku habeenkii weerarka u adeegsado Ukraine





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip