Wafdi culus oo maanta ku wajahan Beledweyne iyo ciidamo la wareegay amniga

0
Monday September 14, 2026 - 13:04:06 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 97
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi culus oo maanta ku wajahan Beledweyne iyo ciidamo la wareegay amniga

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wafdi culus oo uu hoggaaminayo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, islamarkaana ay qayb weyn ka yihiin Xildhibaanno iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Hiiraan, ayaa lagu wadaa inay maanta oo Isniin ah gaaraan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah culumaa’udiin, waxgarad iyo aqoonyahanno kasoo jeeda Gobolka Hiiraan, iyadoo la filayo in maanta dhowr diyaaradood ay magaalada Beledweyne keenaan xubnaha wafdiga.
     Socdaalka wafdigan ayaa si weyn looga hadal hayaa magaalooyinka Muqdisho, Jowhar iyo Beledweyne, iyadoo indhaha lagu hayo ujeeddada safarkooda iyo fariinta siyaasadeed ee ay xambaarsan yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga uu ka arrinsan doono xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Hirshabeelle, gaar ahaan mowqifka bulshada Gobolka Hiiraan ee ku aaddan doorashada hoggaanka maamulka Hirshabeelle.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay soo baxayaan dareenno xooggan oo ka dhan ah in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe mar kale loo doorto hoggaanka Hirshabeelle, iyadoo qaybo kamid ah dadka deegaanka iyo siyaasiyiinta Hiiraan ay horay u muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan arrintaasi.

 

   Dhanka kale, waxaa magaalada Beledweyne ku sugan ciidamo aad u fara badan, waxaana xaaladda magaalada si dhow ula socda dhinacyada siyaasadda iyo bulshada.

Ilaa hadda ma cadda in wafdigan loo oggolaan doono inuu si caadi ah ku galo magaalada Beledweyne iyo in ay jiri doonaan tallaabooyin lagu hor istaagayo safarkooda.

Tagista wafdigan ayaa haddii uu dhaco noqonaya dhacdo siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo su’aasha ugu weyn ay tahay waxa ay hoggaamiyeyaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka Hiiraan ka sheegi doonaan mustaqbalka hoggaanka Hirshabeelle iyo doorashada la filayo.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip