Kumaandooska Danab oo howlgal ku qabtay xubno k tirsan Al-shabaab

0
Monday September 14, 2026 - 11:49:51 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 69
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumaandooska Danab oo howlgal ku qabtay xubno k tirsan Al-shabaab

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

- Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab, gaar ahaan qaybta Special-ka Danab, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay koonfurta deegaanka Leego ee Gobolka Baay.

Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay laba xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyagoo sidoo kale ka furtay laba qori oo AK-47 ah.Ciidamada ayaa sidoo kale howlgalka ku burburiyay goob lagu sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku diyaarin jireen walxaha qarxa.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallada qorsheysan ee ciidamada dowladda ay ka wadaan deegaannada ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo xarumaha iyo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa muddooyinkii dambe door muhiim ah ka qaadanayay howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, gaar ahaan howlgalada gaarka ah ee lagu beegsanayo xubnaha iyo xarumaha kooxda.

Ciidamada Danab ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo ciribtirka maleeshiyaadka Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip