
Wasiir Cali Xoosh oo jawaab kulul siiyay madaxweyne DENI
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si adag ugu jawaabay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo jeediyay khudbad xasaasi ah oo uu kaga hadlay khilaafka kala dhexeeya Villa Somalia.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in cid aan ahayn Puntland aysan ka shaqeyn karin maamulkaasi, isla markaana mas’uuliyiinta kasoo jeeda Puntland ee ku jira Dowladda Federaalka ay yihiin dad shaqo tegay, sida uu hadalka u dhigay.
"Soomaaliya Ilaahey xaalkeeda ha sahlo wixii heshiiska lagu ahaa waa la laalay dowladda Puntland-na waxay go’aan qaadatay inay dastuurkeeda iyo dowladnimadeeda iyadu ay maamulan doonto. Taas waxay keeneysaa cid aan Puntland ahayn awood uma leh dalkan inay ka shaqeyso,” ayuu yiri Deni.
Waxaa kale oo uu intaas ku daray "Dadka shaqo tegay ee aan haysan sifo sharci ah oo mas’uuliyadeed yaysan dadka reer Puntland qasin”.
Intaas kadib waxaa soo jawaabay wasiir Cali Xoosh oo kasoo jeedo Puntland, kaas oo ayaan darro ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Saciid Deni, wuxuuna xusay in arrintan muujineyso faham darro ka haysato nidaamka federaalka iyo dowladnimada.
"Waa ayaan daro weyn in qof hogaan ka haya qeyb kamid ah dalka, soona noqdey wasiir iyo xildhibaan heer federaal, una tartamey hogaanka dalka, hadana leh damac siyaasadeed oo heer federaal uu bulshada lasoo hor istaago hadal oranaya masuuliyiinta reer Puntland ee xilalka ka haya heer federaal ‘Waa dad Shaqo Tagey’. Kelmadaasi waxay muujineysaa fahamdaro masuulkaas ka haysata hanaanka dowladnimada iyo nidaamka federaalka ee dalka. Waana kelmado dhaawac ku ah wadajirka iyo dareenka dowladnimada ee ka dhexeysa bulshada Soomaaliyeed,” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiirku.
Cali Xoosh ayaa sidoo kale tilmaamay in arrintan aysan Deni la qabin dadka reer Puntland, kuwaas oo uu sheegay inay ku suntan yihiin Soomaalinimo, isla markaana door taariikhi ah ku leeyihiin dowladnimada dalka.
"Adigoo sidaas hoos ugu dhigaya kaalintii bulshada reer Puntland, isla markaana dhaawacaya dareenkii dowladnimo ee ka dhexeeyey bulshada Soomaaliyeed, hadana waxaa rabtaa in aad beri Soomaali hor timaado adigoo ka dalbanaya xil qaran. Waa maan guracan iyo garasho jaan,” ayuu raaciyay.
Ugu dambeyn, wuxuu Deni ku eedeeyay inay hadalladiisa ka muuqato Soomaali-nacayb, isla markaana lagu xasuusan doono "Waxa keliya oo Soomaali kugu xasuusan doonto ayaa ah abuurista naceyb, kala-qeybin, u adeegidda danaha dalal shisheeye iyo aragtiyo wiiqaya wadajirka iyo dowladnimada dalka”.
XIGASHO:-CAASIMADDA.NET


0 



Wasiir Cali Xoosh oo jawaab kulul siiyay madaxweyne DENI
.