
Sagal Abdi-Wali oo gaartay guul loona doortay musharraxa Labour ee kursigii Keir Starmer
Xisbiga Labour-ka ee Britain ayaa Sagal Abdi-Wali, oo ah haweeney Soomaali ah isla markaana carruurnimadeedii qaxooti ahaan ku tagtay Britain, u doortay musharraxiisa doorashada kursiga baarlamaanka ee uu banneeyay ra’iisul wasaarihii hore Keir Starmer.
Sagal ayaa Labour u matali doonta doorashada deg degga ah ee deegaanka Holborn and St Pancras ee London, oo la qaban doono 8-da October, kaddib markii xubnaha xisbiga ee deegaanka ay Arbacadii u doorteen musharraxa rasmiga ah.
Kursigan ayaa bannaanaaday markii Starmer uu 1-dii September ku dhawaaqay inuu iska casilayo xubinnimada baarlamaanka, kaddib markii uu horay uga degay xilka ra’iisul wasaaraha.
Sagal, oo hadda hoggaamisa Golaha Deegaanka Camden, ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay kalsoonida ay siiyeen xubnaha Labour-ka ee deegaanka ay ku soo kortay.
"Waxaan aad ugu faraxsanahay in xubnaha deegaanka ay igu aamineen inaan noqdo musharraxa Labour-ka ee goobta aan ku soo koray,” ayay tiri.
"Goobtan ayaa qoyskayga soo dhoweysay annagoo qaxooti ah, waxayna na siisay rajo xilli aan ugu baahi badnayn.”
Waxay intaas ku dartay inay fursad u heshay inay nolol ka dhisato deegaankaas, iyadoo u adeegaysay bulshada sidii xildhibaan deegaan, xubin ka tirsan maamulka iskuullada iyo qof ka shaqeeya arrimaha bulshada.
Doorasho taariikhi ah
Sagal Abdi-Wali waxay Soomaaliya ka tagtay iyadoo carruur ah, iyadoo qoyskeedu Britain qaxooti ahaan ku tegay horraantii sagaashamaadkii.
Waxay ku noolayd Camden muddo ku dhow 35 sano, waxaana deegaankaas uu noqday halka ay ku barbaartay, wax ku baratay, nolol ka dhisatay, islamarkaana markii dambe siyaasadda ka bilowday.
Sagal waxaa markii ugu horreysay xildhibaan looga doortay Camden Council sanadkii 2022, iyadoo mataleysa deegaanka Camden Square.
Waxay markii dambe noqotay xubin ka tirsan golaha fulinta oo qaabilsan guryaha, ka hor inta aan bishii May ee sanadkan loo dooran hoggaamiyaha Camden Council.
Magacaabistaas ayaa ka dhigtay haweeneydii ugu horreysay ee madow ah ee hoggaamisa Camden Council.
Sagal ayaa markii xilkaas loo doortay sheegtay in Camden ay tahay goobtii qoyskeeda siisay hoy iyo badbaado markii ay qaxootiga ahaayeen.
"Camden waxay noo aheyd hoy 35 sano. Waa goobtii qoyskayga siisay magangelyo, na soo dhoweysay, isla markaana qeyb weyn ka qaadatay qofka aan maanta ahay iyo waxa aan aaminsanahay,” ayay xilligaas tiri.
Ka hor inta aysan qaban xilalka siyaasadeed, waxay muddo dheer ka shaqaynaysay ururrada bulshada iyo hay’adaha samafalka ee deegaanka, iyadoo sidoo kale ka mid ahayd maamulka iskuullo ku yaalla Camden.
Waxay sidoo kale horay u soo hoggaamisay laanta Labour-ka ee Holborn and St Pancras, taas oo ka dhigan in xiriirkeeda siyaasadeed ee deegaanka uu soo jiray ka hor inta aysan u tartamin kursiga baarlamaanka.
Tartan siyaasadeed
Doorashada 8-da October ayaa indhaha lagu hayaa, maadaama kursigu muddo dheer ahaa mid Labour-ku haystay, islamarkaana uu Starmer matalayay tan iyo 2015.
Xisbiga Green Party ayaa sidoo kale doonaya inuu si xooggan ugu tartamo kursiga, iyadoo hoggaamiyaha xisbiga Zack Polanski uu doonayo inuu noqdo musharraxa xisbigiisa.
Sagal ayaa sidoo kale maalmihii ka horreeyay xulashadeeda wajahday hadallo muran dhaliyay oo ku saabsan halka ay ku dhalatay.
Zia Yusuf, oo ka tirsan xisbiga Reform UK, ayaa baraha bulshada ku soo qaaday dhalashadeeda Soomaaliya, arrintaas oo dhaleeceyn xooggan kala kulantay siyaasiyiin ka tirsan Labour iyo xitaa qaar ka mid ah xubnaha Reform UK.
Sagal kama aysan dhigin asalkeeda qaxootinimo arrin ka fogeynaysa bulshada ay doonayso inay matasho, balse waxay si joogto ah ugu tilmaantay qayb ka mid ah sababta ku dhiirrigelisay adeegga bulshada.
Haddii ay ku guuleysato doorashada October, waxay baarlamaanka Britain ku matali doontaa isla deegaanka ay qoyskeedu magangelyada ka heleen markii ay Soomaaliya kasoo qaxeen in ka badan saddexdii sano ee la soo dhaafay.


0 




Sagal Abdi-Wali oo gaartay guul loona doortay musharraxa Labour ee kursigii Keir Starmer
.