R/wasaare Xamza oo sameeyay magacaabis cusub

0
Thursday September 10, 2026 - 13:12:24 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 76
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/wasaare Xamza oo sameeyay magacaabis cusub

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisil Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.Ra’iisul Wasaaraha oo cuskanaya qodobka 119-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa u magacaabay Mubaarik Maxamed Axmed in uu noqdo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa mas’uulkan kula dardaarmay hufnaan iyo hawl gudasho dhab ah, fuliyana qorshayaasha xukuumadda ee degsan.

 

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Maxamed Dhuuboow Maxamed u magacaabay in uu noqdo Agaasimaha guud ee Xarunta Adeegyada Mideysan ee Halmeel.

Isla maanta, Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyay Agaasimaha Guud iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Maalgashiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Magacaabista mas’uuliyiintan ayaa timid kadib soo-jeedin uu sameeyay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Xilalkan ayaa loo kala magacaabay Mudane Feysal Aadan Xasan oo noqonaya Agaasima Guud ee Hay’adda Maalgashiga JFS iyo Mudane Maxamed Yuusuf Maxamed oo noqonaya Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip