
Dood ay Afrika qabtay muddo qarniyaal ah oo hadda la ogolaaday, maxayse tahay?
Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in khariidadda caadiga ah ee dunida lagu beddelo mid si sax ah u muujinaysa cabbirka dhabta ah ee qaaradda Afrika.
Qaraarka cinwaankiisu ahaa "Sax Khariidadda”, oo ay soo udbisay dalka Togo isla markaana ay taageereen xubnaha Midowga Afrika, ayaa lagu meel-mariyay taageerada 164 dal, oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Boqortooyada Ingiriiska. Mareykanka ayaa ahaa dalkii kaliya ee ka soo horjeestay qaraarka, iyadoo lix dalna ay ka aamuseen codeynta.
Codeyntan Qaramada Midoobay ma aha mid qasab ah, balse waxay horseedi doontaa isbeddello lagu sameeyo khariidadaha ay isticmaalaan hay’adaha kala duwan ee caalamka.
Khariidadda Mercator, oo si weyn loo isticmaalayay tan iyo qarnigii 16-aad, ayaa la kulantay dhaliil maadaama ay Afrika u muujinayso mid cabbir ahaan la mid ah Greenland, inkastoo Afrika ay ka weyn tahay Greenland ilaa 14 jeer.
Dadka dhaliilaya arrintan ayaa sheegaya inay taasi horseeddo in la dhayalsado baahiyaha horumarineed iyo awoodda dalalka ku yaalla dhanka dhul-baraha.
Khariidadda Mercator waxaa sannadkii 1569-kii sameeyay khabiirka khariidadaha ee u dhashay Flanders, Gerardus Mercator, si uu u caawiyo sahamiyayaasha reer Yurub inay ku safraan caalamka.
Khariidadda Mercator waxay muujisaa qallooca Dhulka iyadoo waddamada ku dhow dhulbaraha ka dhigaysa inay u muuqdaan kuwo ka yar cabbirkooda dhabta ah, halka waddamada ku dhow cirifyada ay u muuqdaan kuwo ka weyn.
Si arrintan loo saxo, koox khariidad-sameeyayaal ah ayaa sannadkii 2018 samaysay khariidad ilaalinaysa saamiga saxda ah ee baaxadda dhulka, taas oo ay ugu magac dareen saadaasha Equal Earth.
Bishii Febraayo, 54-ka waddan ee xubnaha ka ah Midowga Afrika (AU) ayaa qaatay khariidaddan, waxayna sheegeen inay "si ka sax ah u matasho cabbirrada dhammaan qaaradaha, gaar ahaan Afrika.”
Kooxda ololaha internetka ee #CorrectTheMap waxay tiri: "Waxaad Afrika gudaheeda ku wada dari kartaa Maraykanka, Shiinaha, Hindiya, Japan, Mexico iyo inta badan Yurub, iyadoo weli uu dhul ka harsan yahay.”


0 




Dood ay Afrika qabtay muddo qarniyaal ah oo hadda la ogolaaday, maxayse tahay?
.