
DEG DEG: Dowlada Somalia oo War ka soo saartay duqeyntii ka dhacday Magaalada Dooloow
WAR-SAXAAFADEED
Muqdisho, 4, September, 2026: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa dhacdadii ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo, taas oo ka dhacday guri ku yaalla degmadaas.
Dowladdu waxay cadaynaysaa inaysan wax lug ah ku lahayn dhacdadaasi, iyadoo xogaha horudhaca ah ee ay heleen hay’adaha amniga muujinayaan in Qaraxyadu ay ka dhasheen waxyaabo qarxa oo lagu diyaarinayay guriga.
Dowladdu waxayna si degdeg ah u magacaabi doontaa guddi xaqiiqo-raadin ah oo baaritaan dhab ah oo dhammaystiran ku sameeya dhacdada, ujeeddadii laga lahaa iyo cidda ka dambaysay.
Degmada Doolow waxay ka mid tahay deegaannada muhiimka u ah amniga iyo isku-socodka gobolka Gedo. Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mudnaan gaar ah siinaysaa ilaalinta xasilloonida degmada iyo badqabka shacabka ku nool.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka digeysaa in aan lagu kadsoomin wararka been abuurka ah ee ka hordhacaya baaritaanka, kuwaas oo loogu talo galay in lagu jahwareeriyo shacabka Soomaaliyeed, waxayna caddeynaysaa in natiijada baaritaanka lala wadaagi doono shacabka marka uu soo dhammaado.
-DHAMMAAD


0 



DEG DEG: Dowlada Somalia oo War ka soo saartay duqeyntii ka dhacday Magaalada Dooloow
.