
Lafta-gareen oo war ka soo saaray qaraxii guiga taliya Shub, shaaciyeyna xog yaab leh
Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay duqeymo uu sheegay in ay ka dhaceen degmada Doolow ee gobolka Gedo iyo deegaano ku dhow Baydhaba, inkasta oo dowladda federaalka ay horay isaga fogeysay dhacdada Doolow.
Bayaanka ka soo baxay xafiiska Laftagareen, oo weli isku magacaabaya "Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya”, ayaa lagu sheegay in duqeymaha loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka ee F-16.
Laftagareen ayaa sheegay inuu ogyahay cidda bixisay amarka duqeymaha, isagoo aan magacaabin ciddaas.
"Dowladda Koonfur Galbeed, waxa ay ogtahay cidda sida gaarka ah u bixisay amarka duqeymaha, isla markaana ay ka qaadi doonto tallaabo kasta oo ku habboon,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Bayaanka ayaa si gaar ah uga hadlay weerar la sheegay in habeenkii Khamiista lala beegsaday Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo loo yaqaan Taliye Shub, iyo duqeyn kale oo Jimcihii ka dhacday nawaaxiga Baydhaba.
Laftagareen wuxuu ku dooday in weerarka lagu beegsaday Taliye Shub uu ahaa isku day lagu doonayay in lagu dilo, wuxuuna mas’uuliyadda siyaasadeed dusha ka saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dowladda federaalka oo iska fogeysay
Dowladda federaalka ayaa dhankeeda war-saxaafadeed ay soo saartay Jimcihii ku sheegtay inay si dhow ula socoto dhacdo ka dhacday degmada Doolow, balse waxay si cad u sheegtay in aysan wax lug ah ku lahayn dhacdadaas.
Waxay intaas ku dartay in xogaha hordhaca ah ee hay’adaha ammaanku heleen ay muujinayaan in qaraxyadu ka dhasheen waxyaabo qarxa oo lagu diyaarinayay guri, inkastoo baaritaan rasmi ah aan weli la soo gabagabeyn.
Dowladda ayaa sheegtay inay si degdeg ah u magacaabi doonto guddi xaqiiqo-raadin ah oo baaritaan madax-bannaan ku sameeya dhacdada, ujeeddadeeda iyo cidda ka dambeysay.
Waxay sidoo kale ka digtay warar ay ku tilmaantay been-abuur oo laga faafinayo dhacdada ka hor inta aan baaritaanku dhammaan, iyadoo ballanqaadday inay natiijada la wadaagi doonto shacabka.
Bayaanka dowladda federaalka wuxuu si gaar ah uga hadlay dhacdada Doolow, mana uusan ka jawaabin eedeynta cusub ee xafiiska Laftagareen ee la xiriirta duqeynta laga sheegay nawaaxiga Baydhaba.
Eedeyn ku saabsan qalabka Turkiga
Laftagareen ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay adeegsiga qalab iyo awood ciidan oo dowladda Turkigu siisay Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay dowladda federaalka inay u adeegsaneyso cadaadis ka dhan ah siyaasiyiinta iyo dadka ka soo horjeeda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
"Qalabka iyo awoodda ciidan ee Soomaaliya ay siisay Dowladda Turkiga [ayaa] loo adeegsanayaa caburinta iyo gumaad ka dhan ah siyaasiyiinta iyo shacab diidan qorshaha guracan iyo dulmiga qaawan ee Xasan Sheekh Maxamuud,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Laftagareen ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub, Mareykanka, Britain iyo saaxiibada kale ee caalamka inay si dhow ula socdaan xaaladda.
Is-dhaafsiga eedeymahan ayaa kusoo aadaya xilli khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo garabka Laftagareen uu sii xoogeysanayo, gaar ahaan kaddib iska-horimaadyadii iyo xiisadihii amni ee dhowaan ka dhacay Baydhaba.


0 




Lafta-gareen oo war ka soo saaray qaraxii guiga taliya Shub, shaaciyeyna xog yaab leh
.