Soomaaliya iyo Cumaan oo markii ugu horreysay si toos ah la isugu xiray

0
Saturday September 05, 2026 - 14:39:41 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 74
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya iyo Cumaan oo markii ugu horreysay si toos ah la isugu xiray

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Duulimaad toos ah oo cusub oo isku xiraya magaalooyinka Muqdisho iyo Muscat ee caasimadda dalka Cumaan ayaa si rasmi ah u bilowday, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo dhaweysay duulimaadkii ugu horreeyay ee shirkadda diyaaradaha SalamAir.
Duulimaadkan ayaa loo arkaa tallaabo cusub oo fududeynaysa isku socodka dadka iyo ganacsiga Soomaaliya iyo Cumaan, iyadoo shacabka labada dal ay heli doonaan adeeg duulimaad oo toos ah oo isku xiraya labada caasimadood.
Munaasabadda lagu daah-furay duulimaadka cusub ayaa waxaa ka qayb-galay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Rayidka Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Xasan Maxamed Cali (Nadaara).

Duulimaadkan cusub ayaa ku soo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Cumaan, gaar ahaan kaddib booqashadii uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ku tagay magaalada Muscat bishii April.

Sidoo kale, magacaabista Danjiraha cusub ee Cumaan u fadhiya Soomaaliya ayaa ka mid ah tallaabooyinka muujinaya dadaallada labada dal ay ku xoojinayaan xiriirkooda iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, Xasan Maxamed Cali (Nadaara) ayaa soo dhaweeyay wafdiga shirkadda SalamAir, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iskaashi wax-ku-ool ah oo sidoo kale u adeegaya dadka safarka ah, isla markaana fursado cusub u abuuraya ganacsiga.

Waxaa sidoo kale la filayaa in duulimaadka tooska ah uu kaalin ka qaato fududeynta isu-socodka bulshada iyo ganacsatada labada dal iyo kor u qaadista fursadaha ganacsi iyo dalxiis ee Soomaaliya iyo Cumaan, iyadoo labada dhinac ay yihiin dalal xiriir taariikhi ah iyo mid dhaqan wadaaga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip