
Xildhibaanada Mucaaradka oo ku fashilmay in la hor geeyo Baarlamaanka mooshin looga hadli lahaa dhacdadii Dooloow
Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan kaasoo uu hareeyay buuq ku saabsan mooshin ay dalbadeen xildhibaanada Mucaaradka in ajandaha lagu daro kaasoo ah weerarkii taliye Shub lagu qaaday guri uu ka deganaa Magaalada Doolow.
Xildhibaanada Mucaaradka markii ay soo bandhigeen mooshinka ay doonayeen in ajandaha lagu daro ayaa ugu danbey cod loo qaaday waxaa looga adkaaday mucaaradka markii xldhibaanada mucaafadka ay u codeeyeen inaan moshinkaasi lagu darin ajandaha maanta laga doodayo.
Xildhibaano ay ka mid yihiin Yuusuf Gamaadiid iyo Daahir Amiin jeesow ayaa ku dadaalay inay baarlamaanka marsiiyaan in dhacdadii Doolow lagu daro ajandaha islamarkaana Baarlamanku ka doodo ugu danbeyna go’aan ka qaato balse way ku fashilmeen.
Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka bshiroow ayaa ku dhawaqay in fadhiga maanta ay soo xaadireen 165 mudane waxaana codad loo qaaday in ajanadaha maanta lagu daro ka doodista arimaha amniga gaar ahaan dhacdadii Doolow waxaana diidmo u codeysay 118 xildhibaan,waxaa ogolaatay 45 xildhibaan halka laba mudane kaliya ka aamuseen.
Aqlabaiyada Baarlamaanka waxaa lahaa xildhibaanada taabacsan Madaxtooyada kuna qanacsan sida Dowladu ku hageyso dalka.
Iintii mooshinkaani ay wadeen mucaaradka fadhiga baarlamaanka iyo marki lagu dhawaaqayay natiijada codadka waxaa hareeyay buuq iyo sawaxan madaama xildhibaanada dhanka siyaasada la kala safan yihiin Dowlada iyo mucaaradkeeda.


0 


Xildhibaanada Mucaaradka oo ku fashilmay in la hor geeyo Baarlamaanka mooshin looga hadli lahaa dhacdadii Dooloow
.