Duqeyn lala beegsaday Taliye Shub

0
Friday September 04, 2026 - 11:23:25 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqeyn lala beegsaday Taliye Shub

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Taliyihii hore ee Asluubta Soomaaliya, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan "Shub” ayaa la xaqiijiyay inuu dhaawac fudud kasoo gaaray duqeyn lagu beegsaday hoygiisa oo ku dhow garoonka diyaaradaha Doolow, waxaana haatan lagu hayaa goob ammaan ah.

   Wararku waxay sheegayaan in laba gantaal ay ku dhaceen gurigiisa, halka gantaal kale lala beegsaday hoyga guddoomiyaha degmada.

      Ilaa iyo hadda lama xaqiijin dowladda fulisay, cida amarka bixisay iyo sababta loo beegsaday.

Jeneraal Shub, oo xilka laga qaaday markii uu cirka isku shareeray khilaafka Xasan Sheekh iyo Laftagareen, ayay dowladda federaalku dhowaan ku xiriirisay dagaallada hareeraha Baydhabo.

     Dhacdadan ka dhacday degmada xuduudda ku taalla waxay sii xoojinaysaa wararka muddooyinkii dambe sheegayay in Turkigu kusii dhex milmayo loollanka gudaha Soomaaliya, isagoo lagu eedeynayo inuu garab siinayo dhinac kamid ah is-haynta siyaasadeed




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip