Soomaaliya oo noqotay dalka Sadexaad ee marti galiyay qaxootiga ugu badan ee kasoo jeeda Itoobiya

0
Tuesday September 01, 2026 - 16:09:11 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 53
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo noqotay dalka Sadexaad ee marti galiyay qaxootiga ugu badan ee kasoo jeeda Itoobiya

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 In ka badan 23,000 oo Itoobiyaan ah ayaa qaxooti iyo magangalyo-doon ahaan ugu nool Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

 

Warbixinta UNHCR ee xaaladda Itoobiya, oo la daabacay 28-kii Agoosto, ayaa sheegtay in ku dhowaad 155,000 oo Itoobiyaan ah ay qaxooti ama magangalyo-doon ku yihiin lix dal oo deriska la ah Itoobiya, iyadoo xogtu ku salaysan tahay xaaladda ilaa Luulyo 2026.

Soomaaliya ayaa martigelinaysa 23,645 qof, taasoo ka dhigaysa dalka saddexaad ee gobolka ee ay ku nool yihiin tirada ugu badan ee qaxootiga iyo magangalyo-doonka Itoobiyaanka ah.

Suudaan ayaa leh tirada ugu badan oo dhan 63,954 qof, waxaana ku xigta Kenya oo martigelinaysa 43,348 qof. Jabuuti waxaa ku nool 15,310 qof, Koonfurta Suudaan 8,484, halka Eritrea ay diiwaangelisay 15 qof.

UNHCR ayaa sheegtay in colaadaha, amni-darrada iyo masiibooyinka dabiiciga ah ay weli yihiin qaar ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee dadka Itoobiyaanka ah ku qasbaya inay ka barakacaan deegaannadooda, qaarna ay uga gudbaan xuduudaha dalalka deriska.

 

Dhanka kale, Itoobiya lafteedu waxay hoy u tahay ku dhowaad 1.1 milyan oo qaxooti iyo magangalyo-doon ah. Koonfurta Suudaan ayaa ah dalka ay kasoo jeedaan tirada ugu badan, iyadoo ay Itoobiya ku nool yihiin 483,769 qof, waxaana ku xiga Soomaaliya oo leh 362,091 qof, Eritrea oo leh 171,362 iyo Suudaan oo leh 97,985.

UNHCR waxay sidoo kale sheegtay in Itoobiya ay leedahay ku dhowaad 1.9 milyan oo barakacayaal gudaha ah, kuwaas oo 1.7 milyan ay colaado ku barakiciyeen, halka 173,000 ay sababeen masiibooyin dabiici ah.

Xogta hay’addu waxay muujinaysaa in Itoobiya iyo guud ahaan Geeska Afrika ay weli wajahaan dhaqdhaqaaqyo ballaaran oo barakac ah, iyadoo dadka qaar ay gudaha dalalkooda ku barakacayaan halka kuwo kalena ay u gudbayaan dalalka deriska ah.

Soomaaliya oo noqotay dalka Sadexaad ee marti galiyay qaxootiga ugu badan ee kasoo jeeda Itoobiya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip