
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo sheegay in ciidamo lagu hareereeyay xarunta kadib Xiisad ka dhalatay Furitaanka golaha
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, ayaa sheegay in ciidamo la geeyay xarunta baarlamaanka, isla markaana albaabada laga xiray, xilli ay xildhibaannadu isku diyaarinayeen inay bilaabaan kalfadhiga baarlamaanka.
Gacal oo BBC uga warramay xaaladda ayaa sheegay in ciidamada weli ay ku sugan yihiin xarunta, isla markaana, sida ay iyagu sheegeen, ay amar ka haystaan Madaxweynaha Galmudug oo lagu joojinayo shaqada baarlamaanka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in markii ciidamada la keenay ay xildhibaannadu fasaxeen, balse ay markii dambe ogaadeen in amarka lagu xiray xarunta uu ka yimid dhinaca Madaxweynaha Galmudug, waxa uu shaaca ka qaaday in qaar ka mid ah xildhibaannada la xiriiray Madaxweynaha Galmudug ay u sheegeen inuu ku doodayo in doorasho lagu jiro, sidaas darteedna aan loo baahnayn in hay’adaha dastuuriga ah dib loo hawlgeliyo inta arrinta doorashadu taagan tahay.
Hase yeeshee, Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in mowqifkaas uusan waafaqsanayn dastuurka Galmudug, isaga oo xusay in dastuurku dhigayo in hay’adaha dastuuriga ahi ay sii wataan waajibaadkooda ilaa xilka si rasmi ah loogu wareejiyo hay’adaha cusub, Waxa uu iftiimiyay in go'aanno la xiriira arrinta doorashada iyo xukun maxkamadeed oo ay aqbaleen dowladda federaalka iyo guddiga doorashada ay jiraan, kuwaas oo ay tahay in la fuliyo.
Gacal ayaa sheegay in isku darka arrimahaas iyo amarka lagu xiray baarlamaanka ay abuureen xaalad uu ku tilmaamay mid aan caadi ahayn oo ilaa hadda aan xal laga gaarin, waxa uu xusay in ilaa hadda aysan jirin natiijo cad oo ka soo baxday xiriirradii ay xildhibaannadu la sameeyeen Madaxweynaha Galmudug.
"Ilaa hadda ciidamadu way nagu dul sugan yihiin, amar ayayna, sida ay noo sheegeen, ka haystaan Madaxweynaha Galmudug,” ayuu yiri Gacal, Waxa uu sheegay in xaaladda amni ee gudaha baarlamaanka aysan ahayn mid khatar gaar ah ku ah isaga ama xildhibaannada, balse ay istaageen dhaqdhaqaaqii iyo shaqadii baarlamaanka.
Gacal ayaa sidoo kale sheegay inuusan awoodin inuu si toos ah ula xiriiro Madaxweynaha Galmudug, sababo la xiriira ciidamada ku hareeraysan xarunta, waxa uu khilaafka hadda taagan ku xiray muranka doorashada iyo xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug.
Waxa uu sheegay in hay'adihii Galmudug ay muddo ku dhow shan bilood hakad ku jireen, kaddib khilaaf ka dhashay doorashada, taas oo uu sheegay inay ugu dambayn keentay in Madaxweynaha Galmudug uu tanaasul sameeyo, kadibna heshiis laga gaaro arrinta u dhexeysa dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug.
Gacal ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in tallaabada hadda la qaaday ay xiriir la leedahay arrimahaas iyo go'aannadii laga gaaray doorashada, waxa uu ku adkaystay in baarlamaanku uu sii wado shaqadiisa, isagoo sheegay in ay jiraan arrimo muhiim ah oo u baahan in xildhibaannadu ka shaqeeyaan.
Waxa uu tusaale u soo qaatay baahida loo qabo in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka Galmudug, xal loogu raadiyo khilaafaadka siyaasadeed, iyo in wax laga qabto dhibaatooyinka ay abaaruhu ku yeesheen bulshada, Sidoo kale, wuxuu sheegay inay jiraan sharciyo u baahan in baarlamaanku ka shaqeeyo, iyadoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn xilliga ay dhici doonto doorashada soo socota.
Gacal ayaa ku dooday in, sida dastuurka iyo nidaamka dowladnimadu dhigayaan, baarlamaanku sii wadi karo waajibaadkiisa dastuuriga ah ilaa doorashada la qabto oo baarlamaanka cusub uu xilka kala wareego.



0 



Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo sheegay in ciidamo lagu hareereeyay xarunta kadib Xiisad ka dhalatay Furitaanka golaha
.