Madaxweyne Xasan Sheekh oo u baxay safar dibadeed oo dalal dhowr ah uu ku tegayo

0
Monday August 31, 2026 - 20:23:25 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 77
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo u baxay safar dibadeed oo dalal dhowr ah uu ku tegayo

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade ee dalka Serbia, halkaas oo si diiran ugu soo dhoweeyeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Serbia.

 Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Serbia waxa uu kulamo la qaadan doona madaxda dalkaasi, waxaana ugu muhiimsan kulan uu la qaadan doono dhiggiisa Serbia, Aleksandar Vučić.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Serbia, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo danaha laba geesoodka ah ee labada dal.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galaya madax iyo mas’uuliyiin ka socda dowlado kala duwan oo caalamka ah, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga iyo mabaadi’da dhaqdhaqaaqa dalalka aan isbahaysiga ahayn.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Serbia ayaa qeyb ka ah safar uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka Yurub, iyadoo Seerbiya ay tahay halka uu ka bilaabanayo safarkiisa.











Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip