
Sida yaabka leh ee Trump uga baxsaday shirqoolkii Iran ku khaarajin rabtay ee Ankara
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bishii hore si qarsoodi ah loogu dhex qariyay konteenar lagu qaado cuntada diyaaradaha, lagana dejiyay diyaaradda Air Force One, kadib markii saraakiisha Mareykanka ay heleen xog lagu kalsoonaan karo oo sheegeysay in Iiraan ay dooneysay in ay khaarajiso.owlgalka oo ka dhacay Turkiga 8-dii July, kadib shir madaxeedkii NATO, ayaa qeyb ka ahaa qorshe marin-habaabin ah oo si degdeg ah loo diyaariyay, sida ay sheegeen laba sarkaal oo sare oo Mareykan ah oo la hadlay New York Times.
Trump ayaa markii hore isaga oo ay duubayaan kaamiradaha galay mid ka mid ah diyaaradaha duugga ah ee Air Force One, taas oo wariyeyaasha iyo dadweynuhu u qaateen inuu Britain ugu duulayo.
Laakiin markii wariyeyaasha la socday madaxweynaha ay dhinaca kale diyaaradda kaga mashquulsanaayeen fuulitaanka, Trump ayaa si qarsoodi ah looga saaray dhinaca kale.
Saraakiisha ayaa sheegay in konteenar wiish sare loogu qaado, oo caadi ahaan loo adeegsado in cuntada iyo agabka kale lagu geliyo diyaaradaha, loo adeegsaday in madaxweynaha laga soo dejiyo dhinaca aanay wariyeyaashu arki karin.
Waxaa kadib lagu qaaday gaari waxaana loo wareejiyay diyaarad militari oo saddexaad, taas oo si qarsoodi ah uga qaaday Turkiga kuna geysay Britain.
Washington Post ayaa markii hore werisay in diyaaraddaas ay ahayd C-32A, oo ah nooca militariga ee Boeing 757.
Sidee qorshaha u dhacay?
Trump iyo saraakiishiisa ayaa xilligaas si shaacsan u sheegay inuu Turkiga kaga baxayo diyaaradda duugga ah ee Air Force One halkii uu isticmaali lahaa Boeing 747-8 cusub oo Qatar ay siisay Mareykanka.
Trump wuxuu wariyeyaasha u sheegay inuu diyaaradda hore u raacayo "xusuustii hore darteed”.
Muuqaal ayaa laga duubay isaga oo albaabka bidix ka galaya diyaaradda, halka wariyeyaasha la socda ay iyaguna fuuleen iyagoo rumeysnaa in madaxweynuhu gudaha ku jiro.
Laakiin diyaaraddaas waxaa dhab ahaantii loo adeegsaday marin-habaabin ahaan iyo in lagu khaldo Iiraan.
Wariyeyaasha iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Aqalka Cad looma sheegin in Trump uusan diyaaradda la socon, taas oo ka dhigtay kuwo iyagoo aan ogeyn qeyb ka noqday qorshaha lagu qarinayay halka uu madaxweynuhu ku sugnaa.
Markii diyaaradda duugga ah ay Turkiga ka kacday, wariyeyaasha saarnaa waxaa sidoo kale lagu amray inay xirtaan daahyada daaqadaha.
Diyaaradda ayaa 10:16 habeenimo ka degtay saldhigga ciidamada Mareykanka ee Mildenhall ee Britain. Hase yeeshee, Trump ayaa xilligaas hore Britain ugu yimid diyaaraddii militariga ee qarsoodiga ahayd.
Waxaa gaari looga soo qaaday diyaaraddaas, kadibna dib loogu geeyay Air Force One-ka, oo uu ka galay albaab kale.
Qiyaastii 40 daqiiqo kadib ayuu Trump kasoo degay albaabka sare ee Air Force One iyadoo wariyeyaashu daawanayaan, taas oo abuurtay muuqaal muujinayay inuu diyaaraddaas Turkiga kaga yimid.
Kadib ayuu garoonka lug uga gudbay diyaaradda cusub ee Qatar ay siisay, taas oo isaga iyo wariyeyaashu Washington ugu duuleen.
Hanjabaad Iran laga helay
Qorshaha ayaa la sheegay in saacado gudahood lagu diyaariyay kadib markii saraakiisha Mareykanka ay go’aamiyeen in halista Iran ay tahay mid dhab ah.
Trump ayaa intii uu Turkiga joogay lagu wargeliyay khatarta, waxaana howlgalka ku lug lahaa koox kooban oo saraakiil sare ah.
Waxaa ka mid ahaa xoghayaha difaaca Pete Hegseth iyo guddoomiyaha Taliyeyaasha Guud ee ciidamada Mareykanka, General Dan Caine.
Warbixinnadii hore ayaa diiradda saarayay ammaanka diyaaradda Boeing 747-8 ee Qatar ay siisay Mareykanka, taas oo aan weli lagu rakibin dhammaan qalabka difaaca ee ku jira diyaaradaha kale ee madaxweynaha.
Laakiin dadka xog-ogaalka ah ayaa sheegay in hanjabaadda Iran aysan ku koobneyn diyaaraddaas.
Waxay sheegeen in Trump lagu bartilmaameedsanayay diyaaradda kasta oo uu ku safri lahaa, taas oo keentay in saraakiishu adeegsadaan dhowr heer oo marin-habaabin ah.
Markii Trump la weydiiyay sababta diyaaraddii hore uu uga raacay Turkiga, wuxuu sheegay inuu doonayay in ciidamada Mareykanka ee ku sugan Britain ay arkaan diyaaradda cusub.
Wariyeyaashu waxay sidoo kale weydiiyeen sababta loogu amray inay daahyada daaqadaha xiraan.
Trump wuxuu sheegay inuusan ogeyn hanjabaad gaar ah, balse uu muddo dheer bartilmaameed u ahaa Iran.
"Aniga ayaa lambarka koowaad kaga jira liiskooda, idinka ka hor,” ayuu yiri.
Trump iyo hanjabaadaha Iran
Trump iyo qaar ka mid ah la-taliyeyaashiisa ayaa muddo sanado ah wajahaya shirqoolo lala xiriirinayo Iran.
Xiisadda ayaa si weyn u korortay kadib markii Trump uu muddadiisii koowaad ee madaxtinimada uu amray weerarkii 2020 lagu dilay General Qassem Soleimani, oo ahaa taliyihii ciidamada Quds ee Ilaalada Kacaanka Iran.
Intii lagu jiray ololihii doorashada 2024, saraakiisha Mareykanka ayaa sidoo kale helay xog sirdoon oo muujineysay in Iran ay weli dooneyso inay waxyeello u geysato Trump.
Arrintaas ayaa mararka qaar keentay in ololihiisa lagu isticmaalo diyaarado marin-habaabin ah, iyadoo Trump lagu qaadi jiray diyaarad qarsoodi ah halka shaqaalihiisu ay raacayeen diyaaraddiisa gaarka ah.
Maamulka madaxweynihii hore Joe Biden ayaa xagaagii 2024 kordhiyay ilaalinta Trump kadib xog cusub oo ku saabsan qorshayaal lagu dili karo.
Trump ayaa isla sanadkaas ka badbaaday laba isku day dil oo aan lala xiriirin Iran, mid ka dhacay Butler, Pennsylvania, iyo mid kale oo dhacay bishii September.
Howlgalkii Turkiga ayaa haddana ahaa mid aan caadi ahayn, maadaama ay aad dhif u tahay in madaxweynaha Mareykanka si qarsoodi ah loo raro iyadoo wariyeyaasha rasmiga ah ee la socda aanay ogeyn halka uu dhab ahaantii ku sugan yahay.
Saraakiisha amniga ayaa ku doodaya in marka khatar toos ah jirto, ilaalinta madaxweynaha ay ka horreyso in dadweynaha iyo saxaafadda loo sheego faahfaahinta dhaq-dhaqaaqiisa.


0 


Sida yaabka leh ee Trump uga baxsaday shirqoolkii Iran ku khaarajin rabtay ee Ankara
.