R/W Xamza oo soo jeedin yaab leh oo la xiriirta TikTok u direy xildhibaannada BF

0
Friday August 14, 2026 - 12:27:29 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 74
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/W Xamza oo soo jeedin yaab leh oo la xiriirta TikTok u direy xildhibaannada BF

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa ugu baaqay xildhibaannada Golaha Shacabka inay furtaan akoonno TikTok ah.Xamza ayaa tilmaamay in xildhibaanka aan akoon ku lahayn baraha bulshada, sida TikTok ama aan ka sameysan, uusan garanayn sida uu baarlamaanka uga mid noqon karo.

Xamza ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu maamuusayay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, wuxuuna si gaar ah ugu boorriyay xildhibaannada inay ka faa’iideystaan TikTok, oo kamid ah baraha bulshada ee sida weyn looga isticmaalo Soomaaliya iyo guud ahaan dunida.

Jaamac ayaa muuqaal uu hore ugu baahiyay TikTok wuxuu noqday mid si weyn loogu xusuusto Guddoomiyaha cusub, kaas oo uu isku dulsaaray mid ka mid ah heesaha caanka ah ee maamulka Galmudug.

Heesta uu muuqaalkaasi ku jiray ayaa sidoo kale keentay in Jaamac lagu xasuusto ereyo ka mid ahaa: "Maanta oo kalena madaxaa na furan”, taas oo noqotay naaneys ay dad badan ku garanayaan.

Hadallada Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujinaya sida baraha bulshada, gaar ahaan TikTok ay ugu sii kordhayaan muhiimadda ay ku leeyihiin isgaarsiinta iyo gaarsiinta fariimaha bulshada, iyadoo siyaasiyiinta Soomaaliya ay si isa soo taraysa uga dhex muuqdaan baraha noocan ah.

Si kastaba, TikTok oo fikraddiisa la sameeyay sannadkii 2016, si rasmi ahna loo shaaciyay 2017 ayaa noqday mid kamid ah apps-ka sida weyn loo isticmaalo, laguna gaarsiiyo muuqaallo malaayiin qof.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip