DF Soomaaliya oo ciidamo dheeraad ah u daabushay HirShabeelle + Ujeedka

0
Thursday August 13, 2026 - 18:14:16 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DF Soomaaliya oo ciidamo dheeraad ah u daabushay HirShabeelle + Ujeedka

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay ciidamo u daabushay deegaanno ka tirsan maamulka HirShabelle oo haatan ay ka socdaan abaabulka howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

 

Ciidamada ayaa qaybtood waxay gaareen aagga degmada Raage Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana wehlinayay saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka oo isku dabaridaya abaabulka ka socda halkaasi.

Saraakiisha ayaa durbo kulamo ka bilaabay magaalada, kuwaas oo ay la yeelanayaan qaybaha bulshada, si ay ugu bandhigaan qorshahooda la xiriira dagaalka Al-Shabaab ee ka bilaabanaya deegaannada HirShabelle.

 

Dhanka kale, ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo gaaray gobolka Hiiraan ayaa iyana dhaq-dhaqaaqyo ka wada gobolkaas oo todobaadkii hore uu ka dhacay dagaal qaraar oo ay la galeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo la wareegay deegaanka Teedaan ee gobolkaasi.

Ujeedka ciidamada ayaa ah inay dib u xoreeyaan deegaannada ay soo galeen Al-Shabaab, si loogu soo celiyo gacanta dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana meelo kala duwan oo kamid ah gobolka laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo u dhexeeyo labada dhinac.

 

Arrimahan ayaa kusoo aasayo, iyada oo dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu iclaamiyay dagaal kama dambeys ah oo lagu qaado kooxaha Khawaarijta, si mar kale loo bilaabo howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada


XIGASHOlCAASIMADDA.NET



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip