Sheekh Cali Wajiis oo dood culus ka keenay nidaamka federaalka Soomaaliya

0
Thursday August 13, 2026 - 21:36:38 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Cali Wajiis oo dood culus ka keenay nidaamka federaalka Soomaaliya

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis), oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan nidaamka federaalka ee dalka ayaa soo jeediyay in dib-u-habeyn lagu sameeyo qaabka dowlad-goboleedyada dalka iyo sida loo qaybsado awoodaha dowladda dhexe iyo maamullada.

 

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in nidaamka federaalka Afrika uu leeyahay laba qaab oo waaweyn, kuwaas oo uu ku kala saaray mid ku dhisan isir iyo mid ku dhisan deegaan. Sheekha ayaa xusay in nidaamka xilligan ku haboon Soomaaliya uu yahay midka deegaanka, isaga oo soo jeediyay in dib loogu dhiso 18-kii gobol ee uu ka koobnaa dalka.

"Nidaamka Federaalka Africa 5 dowladood ayaa ka qaadatay, isagoo 2 nooc ah


1- mid ku dhisan isir ama Qabyaalad, waana lagu hoobtay Ethiopia iyo Somalia ayaa qaatay colaado ayaana laga dhaxlay. 2- mid ku dhisan deegaan South Africa, Kenya iyo Nigeria ayaa qaatay gobolo ayuu ku dhisanyahay, waana maamul heer gobol oo leesu doorto, dalkana awooddiisa difaac amni iyo diyaasadeed dowladda dhexe ayaa heysa, waana kan Soomaaliya ku habboon iney qaadato, sidaa darteed 18 kii gobol in dib loogu dhiso ayey ahayd xilligii dastuurku furnaay laakiin ilduuf ayaa dhacay ee dowladda soo socota fursaddaas ha qaadato,” ayuu yiri Sheekha oo qoraal soo saaray.

 

Dhanka kale, Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in xal u helidda khilaafaadka ka dhashay nidaamka federaalka ay muhiim u tahay mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, wuxuuna ku taliyay in Dastuurka si cad loogu qeexo qaabka ay dowlad-goboleedyadu u dhismi karaan.

"Deeganaanshaha dalku wuxuu ku jiraa in xal loo helo dhibaatada federaalku ku kala qoqobay bulshadeenna waxay ahayd in Dastuurka lagu qoro inta uu furnaay (Dowlad goboleedku waxey ka dhismi kartaa hal gobol iyo wixii ka badan), taasoo Xal u noqon lahayd isku raranka gobolada is qaadan la, iyo beelaha isku heesta hoggaaminta goboladaas.”

Waxaa kale oo uu ku baaqay in doorashooyinka dowlad-goboleedyada loo maro hannaan xor ah oo la isku raacsan yahay, kadibna hoggaamiyeyaasha cusub ee kasoo baxa ay la shaqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

"Haddii fursaddaas dowladdu ka ilduuftay hadda waa inay tartanka Madaxweyne goboleedyada si xor ah loo qabtaa cidna aan loo xirin ciddii la doortana dowladdu toos ula mucaamishaa si khilaafaadku usoo dhammaadaan, doorashooyinkuna u noqdaan kuwa la’isku raaco oo soo saara madax lala shaqeeyo,” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay.

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip