Mid ka mid ah Xaafadaha Degmada Kaaraan oo dhufeysyo u qotey si ay uga hortagaan cagafta Xasan Sheekh

0
Friday August 14, 2026 - 13:18:20 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid ka mid ah Xaafadaha Degmada Kaaraan oo dhufeysyo u qotey si ay uga hortagaan cagafta Xasan Sheekh

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Xaafada Buulo Axmed Cabdulle oo ka mid ah Xaafadaha Degmada Kaaraan aadna ugu dhaw isgoyska Sanca ayaa la soo sheegayaa inay ka jirto xiisad u dhexeysa shacabka iyo ciidamada Dowlada ee ku howlan burburinta dhulkaasi oo Dowladu rabto inay shacabka kala wareegto.

Shacabka Xaafadaan oo ka diidan talaabada Dowlada ayaa bilaabay qorshayaal ay doonayaan inay kaga hor tagaan weerarka ciidamada iyo cagafta ee isla socda ,shacabka waxay qoteen godad ay rabaan inay uga hortagaan dhaq dhaqaaqyada cagafta iyo gaadiidka dagaalka ee ciidamadu la iman karaan .

Ciidamada Dowlada iyo Cagafta ayaa lagu wadaa inay caawa ama beri subax ku dhaqaaqaan burburinta xaafadaani oo ka mid ah obasiibooyinka isku raranka ah ee ku yaal Muqdisho kuwaasoo Dowladu dooneyso inay burburiso kadibna u cabirto qoysaska hada degan intii dhaqaale hel karta si ay dib ugu hantiyaan boos ama guri u sharciyeysan.



XIGASHO:-DAYNIILE.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip