
Sababta xasaasiga ah ee Sacuudiga u diiday in Masar ku biirto heshiiska Makkah
Sacuudiga ayaa ka hor yimid in Masar lagu daro isbahaysiga cusub ee difaaca ee uu la saxiixday Turkiga iyo Pakistan, inkasta oo Ankara ay dadaal xooggan ku bixisay sidii Qaahira qayb uga noqon lahayd heshiiska, sida ay sheegeen ilo Sacuudi ah oo arrinta xog-ogaal u ah.
Saddex ilo-wareed oo Sacuudi ah oo la hadlay Middle East Eye ayaa sheegay in Riyadh aysan doonayn in Masar ay xilligan ku biirto heshiiska, iyagoo arrinta ku sababeeyey kalsooni-darro sii kordhaysa oo Boqortooyadu ka qabto dowladda Madaxweyne Cabdifataax Al-Sisi iyo waxa ay u aragto hoos u dhac ku yimid miisaankii istiraatiijiyadeed iyo midkii militari ee Qaahira.
Mid ka mid ah ilaha, oo hore lataliye sare ugu ahaa boqortooyada Sacuudiga, ayaa sheegay in mowqifka Riyadh uu yahay in Masar aan lagu darin heshiiska "ugu yaraan hadda”.
Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Makkah waxaa 7-dii Agoosto magaalada barakeysan ee Makkah ku saxiixay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif.
Heshiisku wuxuu dhigaya in weerar hubeysan oo lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo aqoonsado weerar lagu qaaday dhammaantood.
In kasta oo heshiiska loo arko tallaabo weyn oo lagu dhisayo nidaam cusub oo amni oo gobolka ah, haddana faahfaahinta ku saabsan xaaladaha sida tooska ah u dhaqaajinaya waajibaadka difaaca iyo qaabka ciidamada saddexda dal u wada hawlgeli doonaan weli si buuxda looma caddeyn.
Reuters ayaa sheegtay in Riyadh ay isbahaysiyo noocan ah u aragto hab ay ku xoojin karto awoodda ay kaga hortagayso khataraha gobolka, gaar ahaan kuwa kaga imanaya Xuutiyiinta Yemen iyo kooxaha kale ee Iran taageerto.
Khilaaf soo jiitamayay
Ilo-wareedyada Sacuudiga ayaa sheegay in diidmada Masar aysan ka dhalan oo keliya qiimeyn militari, balse ay salka ku hayso caro muddo soo urureysay oo Riyadh ay ka qabto siyaasadaha dowladda Sisi.
Sacuudiga wuxuu ka mid ahaa dowladihii ugu weynaa ee dhaqaale ahaan garab istaagay Qaahira markii militariga uu hoggaaminayey Sisi uu 2013 xukunka ka tuuray madaxweynihii hore Maxamed Mursi. Riyadh waxay isla sannadkaas ansixisay gargaar shan bilyan oo dollar ah, iyadoo taageerada Sacuudiga iyo dalal kale oo Khaliijka ah ay sanadaha xigay gaartay balaayiin dollar.
Hase yeeshee, ilaha la hadlay Middle East Eye ayaa sheegay in madaxda Sacuudigu aaminsan yihiin in taageeradaas aysan la socon garab istaag siyaasadeed iyo mid amni oo u dhigma.
Waxay si gaar ah farta ugu fiiqeen doorka Masar ee dagaalkii muddada dheer Sacuudigu kula jiray Xuutiyiinta Yemen, kaas oo ay ku tilmaameen mid "kooban oo aan lagu kalsoonaan karin”.
Waxay sidoo kale sheegeen in Riyadh ay ka carootay qaabka Masar ula dhaqantay Imaaraadka Carabta intii uu socday dagaalka Iran, xilli xiriirka Sacuudiga iyo Abu Dhabi uu horey cadaadis xooggan ugu jiray.
Masar waxay dalalka Khaliijka u dirtay nidaamyo difaaca cirka ah intii uu socday dagaalka Iran, waxaana diyaaradaha dagaalka Rafale ee Masar la geeyey Imaaraadka, sida uu qoray Wall Street Journal.
Hase yeeshee, ilaha Sacuudiga ayaa sheegay in Riyadh ay si gaar ah uga xumaatay in Madaxweyne Sisi uu dhowr jeer xiriir dhow la yeeshay hoggaanka Imaaraadka muddadaas, iyagoo ku doodaya in taageerada Qaahira ee Abu Dhabi ay ka muuqatay mid ka xoog badan tan Riyadh.
Doorka Imaaraadka
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka uu sanadkan si weyn uga xumaaday arrimaha Yemen.
Khilaafka ayaa si cad usoo baxay markii xoogagga gooni-u-goosadka Koonfurta Yemen ee uu Imaaraadku taageero ay dabayaaqadii 2025 ballaariyeen dhulka ay maamulaan, taas oo horseedday in ciidamo uu Sacuudigu taageero ay tallaabo militari qaadaan. Reuters ayaa xilligaas ku tilmaantay dhacdada khilaaf weyn oo ka dhex qarxay labada quwadood ee Khaliijka.
Ilo-wareedyada Middle East Eye ayaa sheegay in Riyadh ay sidoo kale ka walaacsan tahay siyaasado kale oo Imaaraadku ka wado gobolka, kuwaas oo Sacuudigu u arko inay mararka qaar lid ku yihiin danaha Masar lafteeda.
Waxay ka mid dhigeen xiriirka istiraatiijiyadeed ee Abu Dhabi iyo Israel, taageerada ay siisay Itoobiya xilliyada khilaafka biyo-xireenka GERD, eedeymaha la xiriira taageerada Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee RSF ee Sudan, iyo joogitaanka iyo maalgashiga Imaaraadka ee Somaliland oo ka tirsan Soomaaliya.
Mid ka mid ah ilaha ayaa sheegay in iyadoo siyaasadahaas qaarkood si toos ah u taabanayaan danaha Qaahira, haddana xiriirka dhow ee Sisi iyo Abu Dhabi uu sii kordhiyey shakiga Riyadh ka qabto in Masar tahay saaxiib istiraatiiji ah oo lagu kalsoonaan karo.
Rabitaanka Turkiga
Mowqifka Sacuudiga ayaa ka duwan kan Turkiga.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa Sabtidii Masar ku tilmaamay "saaxiib dabiici ah”, isagoo sheegay inuu rumeysan yahay in Qaahira mustaqbalka kusoo biiri karto isbahaysiga marka la xalliyo arrimaha farsamo ee haray.
Ilo Turki ah ayaa sidoo kale sheegay in Ankara ay si weyn uga shaqeysay sidii Masar loogu dari lahaa heshiiska.
Hase yeeshee, ilaha Sacuudiga ayaa meesha ka saaray sheegashada ah in Qaahira lafteedu ay go’aansatay inaysan ku biirin.
La-taliyihii hore ee boqortooyada ayaa ku tilmaamay arrintaas mid "lagu qoslo”, isagoo ku dooday in Sisi uu si weyn u daneyn lahaa ka mid noqoshada heshiiska, gaar ahaan faa’iidooyinka siyaasadeed iyo dhaqaale ee uu ka heli karo.
"Go’aan-qaadayaasha hoggaanka waxay walaac weyn ka qabaan daacadnimada Sisi,” ayuu yiri, isaga oo sheegay in madaxda Sacuudigu aysan u arkin hoggaanka Masar mid lagu aamini karo heerka ay u aaminaan Turkiga iyo Pakistan.
Ilaha ayaa sidoo kale ku dooday in Ankara iyo Islamabad ay heshiiska kusoo kordhinayaan awood militari oo Riyadh u aragto mid muuqata.
Turkiga wuxuu leeyahay warshado difaac oo si xawli ah u kobcaya, oo ay ka mid yihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo nidaamyo hub oo heer sare ah, halka Pakistan ay leedahay ciidan ballaaran, warshado hub iyo awood nukliyeer.
Marka la barbar dhigo labadaas dal, ilaha Sacuudiga ayaa su’aal geliyey heerka ay ciidamada Masar maanta diyaar ugu yihiin dagaal casri ah iyo awoodda warshadaha difaaca ee dalka.
Mid ka mid ah ayaa ku dhaliilay militariga Masar inuu waqti iyo dhaqaale badan geliyo ganacsiyo rayid ah, isagoo yiri shaqada ciidanku ay tahay inuu horumariyo "awooddiisa wax-soo-saarka militariga” halkii uu ku mashquuli lahaa maamulidda warshadaha cuntada.
Sidaas darteed, sida ay ilaha Sacuudigu sheegeen, diidmada Riyadh ma aha oo keliya khilaaf kala dhexeeya dowladda Sisi, balse waxay qayb ka tahay su’aal weyn oo Sacuudigu iska weydiinayo waxa Masar dhab ahaan kusoo kordhin karto nidaamka cusub ee amniga gobolka.


0 



Sababta xasaasiga ah ee Sacuudiga u diiday in Masar ku biirto heshiiska Makkah
.