Daawo: Xaalad adag oo ka taagan Waabari kadib markii…

0
Thursday August 13, 2026 - 15:17:19 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 80
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Xaalad adag oo ka taagan Waabari kadib markii…

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Xaaladda degmada Waabari ee gobolka Banaadir ayaa maanta aad u kacsan, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya iyo shacabka deggan xaafadda Buulo Eelaay oo ka tirsan laanta Hantiwadaag ee degmadasi.

Ciidamada ayaa saaka ku jarmaaday xaafaddan, waxayna dumis ku qoreen guryihii shacabka, taas oo keentay inay isku dhacaan iyaga iyo dadka deegaanka.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo ciidamada oo rasaas nool nool u adeegsanaya shacabka oo diidan in la dumiyo guryahooda, lagana barakacayo xaafaddaasi oo ah isku raran ah oo ku taalla bartamaha Muqdisho.

 Hooyo kamid ah dadka deegaanka oo hadashay Shabelle Tv ayaa sheegtay in xaafadda aysan ahayn dhul dowladeed ama obasiibo, isla markaana ay dowladda Soomaaliya uga baaqayaan inay ka dayso beegsiga iyo barakicinta.

"Annaga waxaan daganahay xaafad ab ka ab wixii na dhalay ayaa 90 jir ah annaga ayaan kusii xigno marka maanta in nala barakiciyo ma ogolin, dowladda waxaan ka codsaneynaa xaafaddii obasiibo ah ay raadsato annaga xaafadeenna ammaan ha naloo siiyo,” ayay tiri hooyo kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale, waxa ay intaas ku dartay in shaqaaqadii maanta ka dhacday degmada Waabari ay waxyeelo kasoo gaartay hooyo waayeel ah, sidoo kalena la xir xiray wiilashoodii, kadib markii ciidamadu ay xoog iyo rasaas nool nool u adeegsadeen shacbaka.

 "Khsaare waa jiraa oo gabar ayaa laamiga ku dhaawacantay lug iyo gacan ayay xabad uga dhacday wiilashii oo dhana waa naga wateen,” ayay raacisay.

Dhacdadan ayaa kamid ah shaqaaqooyin horay uga dhacay xaafado ku yaalla magaalada Muqdisho oo ay burburin ka sameysay dowladda Soomaaliya, waxaana weli sii socda howlgalka lagu barakicinayo shacabka caasimada.

Rickshaw taxis operate along the Maka Al Mukarama Road in Hodan district of Mogadishu, Somalia June 5, 2025. REUTERS/Feisal Omar

 
 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip