
Sacdiya Bajaaj oo maanta la sii daayay kadib markii go'aan…
Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta xorriyadeeda dib u siisay Sacdiya Macallin Cali (Sacdiya Bajaaj) oo ay horay Maxkamadda Gobolka ugu soo xukuntay saddex sano oo xarig ah.
Qareennada difaacayay Sacdiya ayaa soo qaatay racfaan, kadibna waxaa guda gashay Maxkamadda Racfaanka Gobolka oo maanta burisay xukunkii hore, iyada oo sheegtay in aan loo cuskan asbaab sharci ah.
Garsooraha Maxkamadda ayaa ku dhawaaqay inay xor tahay Sacdiya Bajaaj oo in ka badan 100 maalmood ku xirneyd Xabsiga Dhexe ee Xamar.
Intaas kadib waxaa warbaahinta la hadlay mid kamid ah qareennada u doodayay Sacdiya oo sheegay inay ku faraxsan yihiin go’aanka ay gaartay Maxkamadda.
"Annaga markii hore waxaan aaminsaneyn in Sacdiya ay bari tahay aynaan fal dambiyeen gelin, Maxkamadda waxaa u cadaatay waana lasii daayay,” ayuu yiri Abuukaate Maxamed Sheekh oo u doodayay Sacdiya Macallin Cali.
Fadhigga Maxkamadda waxaa maanta goobjoog ahaa ehellada Sacdiya Bajaaj, dadweyne isaga kala yimid xaafadaha Muqdisho iyo Wariyeyaasha oo soo tabinayay xukunka kasoo baxay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir.
Gabdhahan oo caan ka noqotay baraha bulshada ayaa horay si wayn uga soo muuqan jirtay warbaahinta, waxaana sidoo kale marar badan ay ka qayb gashay kulamo ay qabteen mucaaradka oo looga soo horjeeday Dowladda.
Si kastaba ha ahaatee, sii deynta Sacdiyo Macallin Cali ayaa dhalisay falcelin ballaaran, iyadoo dad badan oo Soomaaliyeed ay si weyn usoo dhaweeyeen xorriyaddeeda, kuna tilmaameen tallaabo farxad iyo rajo gelisay bulshada.


0 


Sacdiya Bajaaj oo maanta la sii daayay kadib markii go'aan…
..