
Fahad Yaasiin oo shaaciyey waxa uu Heshiiska Makkah uga dhigan yahay Soomaaliya
Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid noqon karto dalalka sida weyn uga faa’iideysta heshiiska cusub ee difaaca wadajirka ah ee ay kala saxiixdeen Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan.
Fahad Yaasiin, oo sidoo kale horey u soo noqday la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya, ayaa heshiiska ku tilmaamay "tallaabo taariikhi ah”, isaga oo sheegay in saameyntiisa aysan ku koobnaan doonin saddexda dal ee sida tooska ah u kala saxiixday.
"Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ka faa’iideysanaya heshiiskan, maadaama amnigeeda qaranku uu taageero xooggan ka helayo deegaankeeda Carabta iyo Islaamka,” ayuu Fahad Yaasiin ku yiri qoraal uu ku baahiyey barta X.
"Heshiiska difaaca wadajirka ah ee Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan wuxuu metelayaa tallaabo taariikhi ah iyo go’aan istaraatiiji ah oo ilaalinaya danaha dalalka ku yaalla labada dhinac ee Badda Cas iyo Badweynta Hindiya,” ayuu yiri.
Hadallada Fahad Yaasiin ayaa ka mid ah falcelinnada siyaasadeed ee ugu cadcad ee dhinaca Soomaaliya laga bixiyey heshiiskan, oo Jimcihii magaalada Makka ay ku kala saxiixdeen Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif.
Heshiiska, oo loogu magac daray Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Makka, ayaa dhigaya in weerar hubeysan oo lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo aqoonsan doono weerar lagu qaaday dhammaantood.
Ujeeddada heshiiska ayaa ah in la xoojiyo awoodda wadajirka ah ee looga hortagayo gardarro dibadeed, isla markaana la sii qoto-dheereeyo iskaashiga dhinacyada difaaca, ciidamada iyo amniga.
Soomaaliya maxay ka faa’iidi kartaa?
Soomaaliya kama mid aha dalalka heshiiska saxiixay, sidaas darteed qodobka dhigaya in weerar lagu qaado hal dal loo arko weerar lagu qaaday dhammaan xubnaha si rasmi ah uguma fidinayo Soomaaliya.
Hase yeeshee, Fahad Yaasiin ayaa qaba in Soomaaliya ay si dadban uga faa’iideysan karto isku soo dhowaanshaha iyo wada-shaqeynta sii xoogeysaneysa ee saddex dal oo leh saameyn siyaasadeed, ciidan iyo dhaqaale oo sii kordheysa Bariga Dhexe, Geeska Afrika, Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.
Saddexda dalba waxay xiriir la leeyihiin dowladda federaalka Soomaaliya, inkasta oo Turkigu leeyahay joogitaanka militari iyo iskaashiga difaac ee ugu ballaaran.
Turkiga ayaa Muqdisho ku leh saldhigga weyn ee tababarka ciidamada ee TURKSOM, waxaana sanadihii lasoo dhaafay halkaas lagu tababaray kumannaan askari oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo awoodda ciidamada qalabka sida.
Ankara ayaa sidoo kale ballaarisay iskaashigeeda Soomaaliya, iyadoo ka gudubtay tababarka ciidamada una gudubtay dhinacyada amniga badda, difaaca, tamarta iyo iskaashi istaraatiiji ah oo muddo dheer ah.
Bishii July, baarlamaanka Turkiga ayaa kordhiyey muddada howlgalka ciidamada Turkiga ee Soomaaliya ilaa sanadka 2028, taas oo muujineysa sida Ankara ay u sii xoojineyso kaalinteeda amni iyo militari ee dalka.
Pakistan ayaa iyaduna muddooyinkii dambe ku dhaqaaqday sidii ay u ballaarin lahayd xiriirka difaac iyo amni ee ay la leedahay Soomaaliya, waxaana iskaashiga labada dhinac ka mid ah la-dagaallanka argagixisada, tababarka ciidamada iyo is-weydaarsiga khibradaha militari.
Xiriirradaas ayaa Soomaaliya ka dhigaya dal si dhow ula shaqeeya laba ka mid ah saddexda quwadood ee hadda uu mideynayo heshiiska difaaca ee Makka.
Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale Soomaaliya la leh xiriir siyaasadeed iyo dhaqaale oo soo jireen ah, waxayna ka mid tahay dalalka saameynta weyn ku leh siyaasadda iyo ammaanka gobolka Badda Cas.
Fahad Yaasiin ayaa sheegay in isu-imaatinka Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan uu xambaarsan yahay farriin gaar ah xilli ay sii kordhayaan xiisadaha iyo hubanti la’aanta amni ee ka jirta gobolka.
"Midnimada iyo isku duubnida quwadaha waaweyn ee Islaamka xilligan xasaasiga ah waxay farriin cad u direysaa cid kasta oo isku dayaysa inay waxyeello u geysato amniga istaraatiijiga ah ee saddexda dal iyo guud ahaan deegaankooda,” ayuu yiri.
Heshiiska ayaa isku keenaya saddex dal oo mid kasta uu leeyahay awood gaar ah.
Turkiga wuxuu leeyahay ciidamada labaad ee ugu weyn gaashaanbuurta NATO, waxaana sanadihii dambe si xawaare leh u kobcayey warshadaha difaaca dalkaas.
Pakistan waa dalka keliya ee Muslim ah ee haysta hub nukliyeer ah, halka Sacuudi Carabiya ay leedahay awood dhaqaale, saameyn siyaasadeed iyo kaalmo istaraatiiji ah oo muhiim u ah ammaanka Khaliijka iyo Badda Cas.
Heshiiska ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli culeys xooggan uu saaran yahay nidaamka amniga gobolka, isla markaana ay sii kordhayaan walaacyada laga qabo badqabka maraakiibta, kaabeyaasha tamarta iyo marin-biyoodyada istaraatiijiga ah ee ka soo bilowda Khaliijka, mara Badda Cas kuna sii fida Badweynta Hindiya.
Soomaaliya ayaa juqraafi ahaan meel muhiim ah kaga taalla aaggaas, iyadoo leh xeeb dheer oo ku fidsan Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya, isla markaana ku dhow marin-biyoodka koonfureed ee laga galo Badda Cas.
Xeebta dheer ee Soomaaliya iyo goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo ayaa amniga badda ka dhigay arrin sii kordheysa muhiimaddeeda, xilli quwadaha gobolka iyo kuwa caalamka ay sii ballaarinayaan joogitaankooda militari iyo dhaqaale ee Geeska Afrika.
Soomaaliya, faa’iidada ugu weyn waxay ka iman kartaa sameysanka isbahaysi si dhow isaga kaashanaya arrimaha amniga iyo difaaca oo ay ku mideysan yihiin quwado Muslim ah oo Muqdisho horeyba xiriir siyaasadeed, militari iyo amni oo muhiim ah ula lahayd.


0 




Fahad Yaasiin oo shaaciyey waxa uu Heshiiska Makkah uga dhigan yahay Soomaaliya
.